Shir guddoonka Wakiilada oo magacaabay Guddi turxaan-bixin ah oo ay xubno ka yihiin kuwii khilaafku ka dhashay

Isniin, 31 August 2009 (HOL): Golaha Wakiillada Somaliland ayaa guddi turxaan-saar ah u saaray khilaafaadka dhexdooda. Kuwaas oo ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah Mudanayaashii khilaafku ka dhashay ee Shirguddoonku hore u anshax-mariyay.

Fadhigaas oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ma jirin cid Warbaahinta maxaliga ah iyo ta dibadda ka socotay oo ka qaybgashay fadhigaas oo abaaro 10:00 subaxnimo ka furmay hoolka shirararka ee golahaas. Hase yeeshee, sida la sheegay waxa uu Shirguddoonku fadhigaas kaga dhawaaqay guddi uu u saaray turxaan-saarka khilaafaadka maalmihii u dambeeyay golaha hadheeyay.

Guddigan turxaan-saarka oo 14 xubnood oo labada dhinac ah ka kooban, waxa ku jira dhowr xubnood oo ka mid ah lixda Mudane ee dhowaan talaabada anshax-marinta ah laga qaaday.

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo hadal ka jeediyay fadhigaas, waxa uu sheegay in guddigaas la siiyay saddex maalmood oo ay arrintaa ku soo dersaan, muddadaasna goluhu fasax ahaan doono. Waxa uu sheegay in guddigu Salaasada warbixintooda u gudbin doonto Shirguddoonka, isla markaana Shirguddoonku golaha soo hordhigi doono Sabtida todobaadka soo socda.  

Magacyada guddiga:

Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-xoog)

Aadan Maxamed Hoorri (Mataan)

Cali Xaaji Aadan

Cabdikariim Aw- Cali Shabeel

Ibraahim Carraale Cabdi

Aadan Xaaji Diiriye Dirir (Sanqoole)

Axmed-yaasiin Sh. Cali

Maxamed Nuur Carraale (Duur)

Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere)

Cali Maxamed Xassan (Cali-Mareexaan)

Siciid Cilmi Rooble

Maxamuud Axmed Obsiiye

Axmed Nuur Kijaandhe

Maxamed Xusseen Ciise.


Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland