Taliska Booliska Sooamaliyeed oo mamnuucay in Gaadiidka Dadweynaha laga raro, Qaadkana lagu iibiyo Isgoyska KM4

Isniin, August 31, 2009(HOL):Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ka mamnuucay in Gaadiidka Dadweynaha laga raro, isla markaana Qaadka lagu iibiyo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/lle C/llaahi Xasan Bariise ayaa  sheegay in sababta ay ammarkaas u soo saareen ay tahay iyadoo Isgoyskaas uu noqday mid amni xumo ay la soo deristay.

C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu sheegay in shalay Isgoyskaas ay ka dhacday shaqaaqo la doonayay in lagu dilo darawalka Taliyaha Waaxda Socdaalka Jen. C/llaahi Gaafow, isla markaana halkaas lagu dilay qaar ka mid ah kooxihii doonayay in ay dilka geystaan, halka kuwo kalena ay baxsadeen.

Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya oo dhawaanahan looga bartay in ay la dagaallamaan kooxaha doonaya inay falalka amni darrada ah ka geystaan magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu arkayay Isgoyskaas, waxaana si caadi ah u socday dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Isgoyskaas isku rasaaseeyeen Ciidamada Daraawiishta kuwo kale oo ka amar qaata mid ka mid ah Wasiirrada Dowladda, waxaana dagaal dhexmaray labada dhinac ku geeriyooday dad ka badan shan ruux oo u badan dad rayid ah, kuwaasi oo qaarkood Isgoyskaas socdeen, halka kuwo kalena ay mehrado ganacsi ku heysteen.

Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa nawaaxigiisa waxaa fariisimo ku leh Ciidamada Amisom ee caawiya Dowladda Soomaaliya, waana Isgoys ay inta badan isticmaalaan mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya