Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya oo la wareegay Deegaanka Ex-Koontarool Afgooye

Isniin, August 31, 2009(HOL): Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya ee ay dhawaan howlgelisay Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta la wareegeen Deegaanka Ex-Koontarool Afgooye, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo kale oo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya.

Fariisinka ay la wareegeen Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa horay u joogi jiray Ciidamo kale oo ka amar qaata Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna ciidamadaas gaadiidka dadweynaha iyo kuwa  xamuulka ka qaadi jireen lacago sharci darro ah.

Sidoo kalena Fariisinkaas ayaa wuxuu ahaa mid ay inta badan ka dhici jireen dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda. Lama oga in weerarrada ku sii socon doonaan fariisinkaas oo ay haatan la wareegeen ciidamo ka anshax roon kuwii horay halkaas u joogay.

Madaxa Howl-gelinta Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya Afrax Cali Afrax ayaa u sheegay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho in Ciidamada ay geeyeen Ex-Koontarool Afgooye ay yihiin kuwo aan lacag sharci ah qaadeynin, wuxuuna caddeeyay in ciidamadii horay halkaas u joogay loo bedelay fariisimo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Fariisinka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Ex-Koontarool Afgooye ayaa wuxuu yahay midka ugu dambeeya ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya waa marka loo kaco dhinaca Afgooye, waxaana ku sii xiga fariisimo kale oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya