Maamulka Idaacadda Somaliweyn oo Dowladda Federaalka ka codsaday in ay sii deyso Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir oo u shaqeynayay

Isniin, February 11, 2008(HOL): Maamulka Idaacadda Somaliweyn oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Idaacaddaas ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsadeen inay sii deyso Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir (Al-Bashiir) oo Dowladda Federaalka u xiran muddo 30 maalmood ah.

Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo wariyayaal kula hadlayay xarunta Idaacadda Somaliweyn ayaa wuxuu sheegay in uu maalintii 30aad Dowladda Federaalka u xiran yahay Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir (Al-Bashiir), iyadoo aan ilaa iyo haatan la soo taagin wax maxkamad ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa in ay Wariye Al-Bashiir ay sii deyso ama ay ogolaato in sharciga la hor-geeyo haddii uu dembi leeyahay, annagana waxaan diyaar u nahay in aan u qabanno sharci-yaqaan u dooda”ayuu yiri C/raxmaan Xudeyfi oo sheegay in ay soo gaareen warar sheegaya in uusan hagaagsaneyn caafimaadka wariye Al-Bashiir.

Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Xudeyfi oo sii hadlayay waxaa uu sidoo kale ka codsaday Dowladda Federaalka in ay dib ugu soo celiso Computer ay Waaxda Nabad-sugidda Dowlada ka qaadeen Xarunta Idaacadda, iyadoo sababta loo qaadayna ay ahayd in la soo baaro.

Dhanka kalena, Hooyada dhashay Wariye Al-Bashiir oo lagu magacaabo Cadeey Cali Xeydar ayaa iyaduna waxay ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wiilkeeda u soo deyso, iyadoo sheegtay in ay aad uga wel welsan tahay xaaladda uu wiilkeeda ku sugan yahay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Saraakiisha Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ilaa iyo haatan si rasmi ah u sheegin waxa loo xiray oo  lagu heysto Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir (Al-Bashiir).

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia