Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ku sii jeeda Dalka Masar

Isniin, February 11, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa waxay sheegayaan in uu halkaas saacadaha soo socda ku sii jeedo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo hoggaaminaya Wafdi ka tirsan Isbaheysigaas.

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa gaaray Magaalada Qaahira  xubno kale oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Shiikh Aadan, Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), Shiikh Axmed C/llaahi, Dr. Maxamed Dheere, Jaamac Cali Jaamac, Maxamuud Axmed Tartan, Fowsiyo Maxamed Shiikh iyo xubno kale.

Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxay magaalada Qaahira ku tageen casuumaad ay ka heleen dowladda Masar oo iyadu ka mid ah Dowladaha daneynaya in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in madaxda iyo xubnaha kale ee Isbaheysiga ay kulamo la qaataan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Masar.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif uu muxaadarooyin ka jeedin doono Jaamacadaha ku yaala Dalka Masar, sidoo kalena inta uu joogo dalka Masar uu kulamo la qaadan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.

Dhanka kalena, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay iyana saacadaha soo socda gaari doonaan Dalka Masar, isla markaana ay wada hadallo la yeelan doonaan Mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, iyadoo la sheegayo in ay dadaalkaas si weyn u wadaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia