Golaha Guurtida Somaliland oo loo qeybiyay Ajendayaasha Kalfadhigooda 35-aad

Isniin, February 11, 2008(HOL): Kalfadhigii 35-aad ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa saaka si rasmi ah uga furmay Xarunta Golaha Guurtida ee Magaalada Hargeysa. Waxaana Xildhibaanadii goob-joogga ka ahaa kalfadhigan loo qaybiyay Ajendaha kalfadhigan oo ka kooban 7 qoddob.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Sh Axmed Nuux Furre, oo furay kalfadhigan ka sokow, waxa kalfadhiga ka soo qayb galay 42 xildhibaan oo kale. “Kalfadhigani waa kii 35-aad ee aqalka odayaasha, waxyaabo fara badan oo wax ku ool ah ayaa muddadii golahu fasaxa ahaa dalka ka qabsoomay, oo ay ka mid yihiin wufuud Somaliland ka tagay iyo kuwo yimidba, waxyaabo badan oo hadda bilow ahina way inagu soo wajahan yihiin”. Sidaa waxa yidhi Guddoomiye xigeenka koowaad ee Guurtida Md. Sh. Axmed, oo ka hadlay furitaanki kalfadhigan.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha guurtidu, waxa uu sheegay in ay suurto gal tahay in gudiyo loo diro gobolada Sool iyo Sanaag.“Waxa aad iyo aad loogu baahan yahay in Sool iyo Sanaag guddiyo guurtida ka tirsan loo diro waxana aad iyana loogu baahan yahay in gudaha dalka aad loogu foorarsado”ayuu yiri Sh Axmed Sh Nuux. Waxaanu Xildhibaanada Golaha ugu baaqay inay ka soo baxaan xilkooda oo aanay ka habsaamin Golaha.

Sidoo kale waxa Mudaneyaasha loo qeybiyay ajande ka kooban 7 Qodob. Ajnadaha kalfadhiga 35-aad ee golaha guurtidu waxa uu u qornaa sidan:

Warbixinta Guddigga Joogtadda.

Xog-ogaal u noqoshada xalaadka Goboladda Sool, Sanaag & Degmadda Buuhoodle.

Arrimaha Siyaasadda.

b. Gudaha
t. Dibedda
4) Arrimaha Nabad-gelyadda.
b. Gudaha
t. Derisyada
5) Xog-waraysi lala yeesho.
b. Talliyaha xabsiyadda.
t. Wasaaradda Waxbarashada.
j. Wasaaradda Caafimaadka.
x. Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
6) Wax-ka-bedelka Xeerka Nabad-gelyadda Wadooyinka.
7) iyo Waxyaabo kale.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland