Isniin, February 11, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagoo ku sugan Magaalada Doxa ee dalka Qadar u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu jiro dadaal dib u heshiisiineed oo ay waddo Beesha Caalamka, hayeeshee dadaalkaas uu yahay mid aan lagu naalooneynin.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya-Shiikh Shariif Shiikh Axmed
"Dhaqdhaqaaq nabad-raadineed waa jiraa laakin ma ahan kii aan ku naalooneynay oo aan is-dhaheynay wax waa lagu xalin karaa”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in Caalamka uu ka war-wareegayo mushkiladda dhabta ah ee Soomaaliya in ay tahay joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in ay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku wada kulmeen mas’uuliyiin ka socday Dowladaha Reer Galbeedka iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya ka taagan.
Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu gaashaanka ku dhuftay in ay jiraan wada hadallo Isbaheysigiisa uu la yeelanayo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay wax walba ku xiran yihiin iyadoo ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.
“Haddii Itoobiyaanka baxaan waxaan damaanad qaadeynaa dhinaceena wax dhib ah in aysan ka imaanin, cid in aan lagu xad-gudbin, cidna aan wax loo dhimin, talada markaas imaaneysana waxay tahay Soomaalida in ay amniga ka tashadaan oo deegaan la arkaba dadka jooga in ay ammaanka sugaan oo shir deg deg ah la isugu yimaadaan, xalna la gaaro”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay tahay in uu Itoobiyaanka baxo oo uusan joogitaankiisa shardi ku xirmin.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in uu ku sii jeedo Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, halkaasi oo uu tibaaxay in uu Isbaheysigiisa kulamo kula yeelan doono Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Masar iyo xubno ka tirsan Jaamacadda Carabta. Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa magaalada Qaahira gaaray xubno badan oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa hadalkiisan wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu socdo dadaal ay waddo beesha Caalamka oo la doonayo in la isugu soo dhaweeyo dhinacyada isku haya Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu dhawaan sheegay in uu wada hadal la gelayo cid kasta oo ka soo horjeeda Dowladdiisa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia