Isniin, February 11, 2008(HOL): Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo ka mid ah mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa wuxuu si kulul u beeniyay hadal ay shalay sii daayeen xubno ka tirsan Guddiga Ammaanka Qaranka oo sheegay in ay soo dhaweeyeen 60 dhalinyaro ah oo ka soo baxsaday Maxkamadihii Islaamka.
Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley waxaa uu sheegay in uusan warkaas waxba ka jirin, isla markaana haddii ay dhalinyaro soo baxsaneyso ay ka imaaneyso dhinaca sida uu hadalka u yiri Dowladda Mbagathi.
“Ma jiraan Mujaahidiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo is-dhiibay, haddii la isa soo dhiibayana waxaa ugu dhow ragga la shaqeeya Dowlad-ku-sheegga Mbagathi iyo Itoobiyaanka la jira”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley.
Mas’uulkan u hadlay Maxkamadihii Islaamka waxaa uu sheegay in Dhalinyarada la soo bandhigay ay ahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo dharkii laga siibay, wuxuuna intaas ku sii daray in aysan taasi dhicin, haatan kadibna aysan dhici doonin in ay dagaalyahanno ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka ay isu dhiibaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hadalka mas’uulkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Guddiga Ammaanka uu xarunta Maamulka Gobolka Banaadir xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyay 60 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo haatan kadib noqon doona sida guddiga ammaanka sheegay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Dhanka kalena Maxamed Xaashi Kulane oo sheegtay in uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka Beesha Cayr ayaa isna si kulul u beeniyay warka uu sii daayay Guddiga Ammaanka Qaranka, wuxuuna sheegay in warkaas uu yahay mid aan sal lahayn, wuxuuna dhalinyarada la soo bandhigay uu ku tilmaamay kuwo Ciyaal Garaabo ah oo Kabarrada Jaadka laga soo uruuriyay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Maxamed Xaashi Kulane waxaa uu sheegay in aysan jirin Dhalinyaro ka soo jeedda Beesha Cayr oo isu dhiibay Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in uu warkaas meel ka dhac ku yahay Beesha Cayr, “Annaga haddiiba Dowlad jirto Dowladda rag baa noogu jira oo aan wada xiriirnaa mana ahan warkaas mid ay ogyihiin xitaa dadka Dowladda noogu jira”ayuu yiri Maxamed Xaashi Kulane.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia