Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo saaka cakiran kadib markii ay soo galeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya

Isniin, February 11, 2008(HOL): Waa cakiran xaaladda qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Wadada koowaad ee Suuqaas, waxayna cakirnaantaas timid kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Isgoyska Howl-Wadaag ay gudaha u galeen Wadada koowaad ee Suuqa.

Waxaa gabi ahaanba albaabada loo laabay goobaha ganacsiga ee ku yaala Wadada Koowaad, gaar ahaan agagaaraha Shirkadaha Isgaarsiinta, waxaana halkaasi jooga Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo mararka qaarkood rasaas ridaya.

Dad badan oo mehrado ganacsi ku lahaa Wadadaas ayaa la arkayay iyagoo ka quustay in ay goobahooda ganacsiga furtaan, isla markaana dib isaga laabtay guryahooda, walow ay jiraan kuwo aan guryahooda ku laaban oo rajo ka qaba in ay ciidamada meesha ka tagaan, kadibna ay dib u bilowdaan ganacsigooda.

Ciidamadan ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa waxay gudaha u galeen Suuqa Bakaaraha kadib markii shalay uu iska hor-imaad ka dhacay Wadadaas, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Iska  hor-imaadka shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Howl-Wadaag iyo shirkadaha Isgaarsiinta ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray Dad rayid ah oo isugu jiray kuwo Gaari BL ah ka raacayay agagaaraha Shirkadda Isgaaarsiinta Telcom iyo kuwo kale oo ku sugnaa goobahooda ganacsiga.

Dadka dhintay, kuwa dhaawacmay iyo burbur soo gaaray Gaari Mini Bus ah oo uu madfac ku habsaday ayaa waxaa haleeshay rasaas iyo madaafiic ay soo rideen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan  Isgoska Howl-Wadaag, kuwaasi oo mar la weeraray madaafiic iyo rasaas yar yar ku jawaabay.

Ugu dambeyntiina, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa in muddo ah waxaa uu yahay mid uu sii nuxuusayo ganacsigiisa, waxaana taasi ugu wacan iska hor-imaadyada mar kasta ku dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia