Isniin, February 11, 2008(HOL): Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in madaxweynaha Dowladda Federaalak Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uusan dooneyn in mushkiladda Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal iyo dib u heshiisiin.
Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu dhowr jeer sheegay in uusan la hadleynin dhinacyada ka soo horjeeda oo ay ku jiraan odayaasha Hawiye, “Madaxweynaha ma ogola Dib u heshiisiin, waxaana laga dheehan karay wareysigii ugu dambeeyay ee uu siiyay TV-ga Universal” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo intaas ku sii daray in ay qabaan in xal lagu gaari karo in la wada hadlo.
“Annagu waan soo dhaweynayaan wax kasta oo u eg wanaag oo xal loogu raadinayo dhibaatada Soomaaliya ka jirta, annaga waxaan ka mid nahay dadka lala hadlayo waayo waxaan mar kasta tilmaannaa dhibaatooyinka Umadda lagu hayo oo aan codkooda ku hadalnaa”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in haddiiba uu madaxweynaha Dowladda Federaalka leeyahay ma dooneyno wada hadal aysan jirin dad uu metelo waayo ayuu yiri dowlad waxaa lagu yahay in uu jiro dad la metelo.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa mar uu dhawaan u waramayay TV-ga Universal waxaa uu sheegay in uu Odayaashaas u arkayo kuwo sida uu yiri ay ku shaqeystaan Al-Shabaab, “Waxa nala dagaalaya anigaa kuu sheegaya waa Al-Qaacidda, Al-Shabaab iyo Dad Soomaali ah oo markii burburka dhacay Hantidii Dadka iyo tii Qaranka qabsaday oo raba in ay xalaaleystaan, haddii aaney cidi kuu sheegeyneynin weligaa anigaa hadda kuu sheegaya, odayaasha kuwa ay u hadlayaana kuwaas weeye”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dhinacyada ka soo horjeeda Dowlada Federaalka ayaa waxay ku eedeeyaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in uusan dooneyn in wada hadal lagu xaliyo mushkiladda Soomaaliya, isla markaana uu taasi bedelkeeda ka door-bidayo in xoog lagu kala baxo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia