| Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur |
“Haddii aan ku guuleysto doorashada Guddoomiyenimada Maamulka Gobolka Banaadir muddo todobaad ah ayaan Muqdisho dib ugu soo celin doonaa dadkii ka barakacay” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka codsaday in ay gacan siiyaan.
Dhagax-tuur waxaa uu sheegay in isagoo kaashanaya Dowladda Dhexe ee Soomaaliya uu wax ka qaban doono Arrimaha Bulshada oo uu sheegay in uu horay wax uga soo qabtay intii uu ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada.
“Haddii aan ku guuleysto doorashada Maamulkeyga wuxuu tixgelin siin doonaa Culumaa’udiinka, wuxuuna dhowri doonaa xoriyadda hadalka, gaar ahaan midka wax dhisamaya”ayuu mar kale Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur.
Musharaxan oo ah midkii ugu horeeyay oo soo qadimay waxyaabaha uu qaban doono haddii la doorto ayaa wuxuu dib u qooraansaday waxqabadka maamulkii uu ka tirsanaa ee Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay dhiseen Kawaanno Xoolaha lagu gowraco, in ay MCH-yo ka fureen Degmooyin dhowr ah oo ku yaala Gobolka Banaadir iyo in ay Nadiifiyeen waddooyin ku yaala Magaalada Muqdisho.
Hadalka uu sii daayay Maxamed Cali Dhagax-tuur ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay madaxda sare ee Dowladda Federaalka ay Guddi KMG ah u magacaabeen Gobolka Banaadir, kaasi oo muddo 15 cisho gudahood ah ku soo diyaarin doona Maamul ay dadka soo doorteen oo uu yeesho Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia