Ciidamada Itoobiya ee jooga Buundada-Liiqliiqato ee Magaalada Beledweyne oo bilaabay baaritaano lagu sameenayo Gaadiidka

Cabirka Farta
Arbaco, September 10, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee farsiinkoodu yahay Buundada-Liiqliiqato ee Galbeedka Magaalada Beledweyne ayaa saacado kooban xayiray isu socdka dadka iyo Gaadiika mara Buundada, taasoo lagu macneeyay in Ciidamadu xiligaas howlgal ka wadaan qeybo ka mid Xaafadda Howl-wadaag.
 
Laakiin waqti yar kadib markii ay Ciidamadu fasaxeen isu socdka dadka iyo Gadiidka ayaa waxaa ay bilaabeen baaritaanno aad u culus oo lagu sameynayo Gaadiidka isaga gudbaya labada dhinac ee Magaalada, gaar ahaan kuwo raaxada loogu tala galay oo inta badan Ciidamadu tuhunsan yihiin in ay wadaan kooxaha ka soo horjeeda.
 
Saldhigga Baliiska Magaalada oo ay hadda Ciidamadu si ku meel gaar ah u sii joogaan ayaa waxaa la keenay Gaadiid sida la sheegay looga shakiyay in ay gudaha Magaalada ka wadeen falal ka dhan ah Nabad-galydda.
 
Dhinaca kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulan ay yeesheen Odayaal iyo wax-garad ka tirsan Galbeedka Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya looga wada hadlay arimo la xiriira weerarrada sida is-daba joogga ah ee Ciidamada looga soo qaadayo dhinaca Xaafadda Howl-wadaag, waxaase si gaar ah kulanka diiradda loogu saaray dadkii rayidka ahaa ee Ciidamada Itoobiyaaku dileen kuwaasi oo sida ay Odayaashu sheegeen aan wax lug  ah ku laheyn dirirta u dhaxeysa labada dhinac, balse lama oga ugu dambeyntii waxa kulankaasi laysku afgartay.
 
Dadka ku dhaqan Magaalada oo ah kuwo mar walba la socda xaaladaha is bad badalaya ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada wixii ka danbeeya 8:00 Subxnimo iyagga oo ka cabsi qaba in ay wixii Saacadaa ka horeeya la kulmaan weeraro iyo dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga ka soo horjeeda.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia