Arbaco, September 10, 2008(HOL): Hooyo Umul ah ayaa Waaxda biddix ka huruushowday ama ka gubatay, ka dib markii guri ay deganayd oo Sandaqad ah xalay fiidkii dab qabsaday, isla markaana waxa xalay lagu dawaynayay Cusbataalka Guud ee Magaaladda Hargeysa.
Dabka qasaday guriggaas Sandaqadda ah oo ku yaala xaafadda 150-ka ee magaalada Hargeysa oo ka kooban la maqsin, ayaa sidoo kale waxa dhaawac fududi soo gaadhay aabaha qoyskan Saleebaan Axmed, ka dib intii uu isku deyay inuu badbaadiyo nolosha qoyskiisa dabku qabsaday. Hooyadan oo ilmaheedan umusha ay ku ahayd jiro labaataneeyo maalmood ayaanay iyada wax dhibaato ahi soo gaadhin.
Hooyo Nimco Ismaaciil Axmed oo uu xalay Wargeyska Ogaal ku booqday cusbataalka ayaa caafimaadkeeda la sheegay inaanu khatar u ahayn sidii markii hore la filayay. Isla markaana sida ay noo sheegeen dad ehelada qoyskan ka mid ahi, dabkan gubay guud ahaanba gurigaas, khatarna geliyay guryo kale ayaa ka dhashay Faynuus ay Hooyada qoyskani isku deyaysay inay shido waqti laydhku ka bakhtiyay xaafaddaas.
"Waxa dabku ka dhashay Faynuus ay gabadhan gubatay shidaysay xilli Laydhku ka yara-bakhtiyay Xaafadda, isla markaana Faynuuskii ayaa qarxay, ka dibna ololkii ayaa qabsaday gabadha jidhkeeda guud ahaanba waaxdeeda biddixda, marka laga reebo wejiga iyo madaxa oo aanu dabku wada gaadhin. Dabadeedna, dabku isla markiiba waxa uu qabsaday gurigii oo dhan," Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ehelada qoyskan gurigoodu gubtay, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, "Gurigii wuu shuf-beelay, laakiin, carruurtii waa laga badbaadiyay, wax dhaawac qabana waxa jira inantan (hooyada qoyska) oo muddo labaatan habeen ka yar umulanayd iyo odaygeeda oo isaga oo carruurta oo jiiftay dabka ka daad-guranaya halasihii dabku dhaawac fudud gaadhsiiyay."
Inkasta oo dadweynaha Xaafaddu isku dayeen in ay bakhtiiyaan gurigan dabku qabsaday, haddanna suuragal may noqon in ay ku guulaystaan daminta dabkaas. Hase ahaatee, sida la sheegay may jirin wax gurmad ah oo ka socday dhinaca dawlada oo bakhtiinta dabkaas u gaadhay goobtaas.
Maaha markii ugu horeysay ee dab qabsado guri ama meherad magaalooyinka Somaliland gudahooda, gaar ahaan Hargeysa ee ay dad iyo duunyo ku waxyeeloobaan. Dawlada Somaliland ayaan lahayn wax lagaga hortagi karo khataraha dabka, isla markaana la aaminsan yahay inaanay xil badan iska saarin soo iibinta Dab-demis lagaga hortagi karo khataraha dabka. Sidoo kalena, waxa aad loola socdaa inay dalka yaalaan dab-demisyo ay keeneen dad ganacsato reer Somaliland ah, kuwaasoo loo keenay inay Xukuumadu ka iibsato, balse aanay taasi weli meel marin.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland