Arbaco, September 10, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in saaka magaaladaas lagu aasay Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye oo xalay nin hubeysan uu ku toogtay gudaha Baydhabo.
Aaska Marxuumka ayaa waxaa qaban qaabiyay Ehellada Marxuumka iyo weliba Mudanayaasha Baarlamaanka, kuwaasi oo isugu tegay sidii Marxuumka u aasi lahaayeen.
Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye ayaa xalay isagoo ka soo baxay Salaaddii Taraawiixda oo uu ku soo tukaday Masjid ku yaala Xaafadda Mursal waxaa toogtay nin hubeysan, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii uu u dilay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan oo dilka marxuumka ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in ay dishay gacan ka gardaran, wuxuuna sheegay in uu Xildhibaanka ku geeriyooday khaatumo wanaagsan, halka gacantii dishay uu sheegay in ay Naarta Jahanamo ku waari doonto sida uu Allaah Qur’aankiisa ku caddeeyay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu markaas kadib tacsi u diray Qoyskii, Ehelladii iyo Asxaabtii uu Xildhibaanka ka geeriyooday, wuxuuna Allaah uga baryay in uu Jannadii Firdowsa ahayd ka waraabiyo.
Dilka loo geystay Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye ayaa wuxuu noqonayaa dilkii labaad oo gudaha Magaalada Baydhabo loogu geysto Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana bartamihii sanadkii 2006 Baydhabo lagu dilay Xildhibaan Cabdalla Deerow Isaaq, kaasi oo isna la dilay isagoo ka soo baxay Masjid uu Salaaddii Jimcaha ku soo tukaday.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu muddooyinkan ammaankeeda ahaa mid aanu hagaagsaneyn, waxaana ka dhacayay weerarro lagu qaadayay Guryaha Xildhibaannada iyo weliba Fariisimada Ciidamada Dowladda, iyadoo dhamaan weerarradaasna ay muujinayaan sida aan la isugu haleyn karin Ammaanka Magaalada Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia