Madaxweynaha Kenya oo ugu baaqay Beesha Caalamka in aysan ka jeesan Soomaaliya

Cabirka Farta

Madaxweynaha Kenya-Mwai Kibaki
Arbaco, September 10, 2008(HOL): Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka in aysan ka jeesan  oo ay soo farageliso Xaaladda sii xumaaneysa ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya waxaa uu Beesha Caalamka ugu baaqay in ay ka dhabeyso ballanqaad ay horay u siisay Soomaaliya, kaasi oo ahaa in ay soo celin doonto nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya.

Madaxweyne Kibaki oo hadalkan ka sheegay furitaanka shir ay Hotelka Safari Park ee Magaalada Nairobi ku yeesheen Saraakiil Mileteri oo ka socday Wadamada Chritian-ka ah ee Afrika ayaa wuxuu intaas ku sii daray in Beesha Caalamka looga fadhiyo in ay Soomaaliya u dirto Ciidamo nabad-ilaaliyayaal ah oo xasilooni ku soo dabaala.

“Xaqiiqdii horumarkii dhawaanahan laga soo sheegayay Soomaaliya ee dhinaca dib u heshiisiinta waxaa uu u baahan yahay in horay loo sii dhaqaajiyo, isla markaana meel la isugu keeno dhamaan dhinacyada is-khilaafsan ee Soomaalida, haddii ay taasi dhacdana dadka Soomaaliyeed waxay heli doonaan damaanad qaad ku saabsan in ay nabad iyo xasilooni ku noolaadaan”ayuu yiri Madaxweyne Kenya Mwai Kibaki.

Ugu dambeyntiina, ma ahan markii ugu horeysay ee uu madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki uu baaq u diro Beesha Caalamka, isagoo baaqyadiisaasna ku codsanaya in wax laga qabto xaaladda dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia