Labo Ruux oo ku dhaawacantay Gaari lagu dhacay Duleedka Magaalada Qardho ee Gobolka Kar Kaar

Cabirka Farta

Arbaco, September 10, 2008(HOL): Labo ruux ayaa ku dhaawacantay Gaari Nooca Caga badanta ah oo lagu rasaaseeyay Meel 18 Km dhanka Bari ka xigta Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kar Kaar ee Maamulka Puntland.

Dhaawaca labada ruux ayaa la gaarsiiyay  Isbitalka Magaalada Qardho halkaasi oo haatan lagu dabiibayo, waxaana la soo sheegayaa in labada ruux mid ka mid ah ay xaaladdiisa Caafimaad  aad u liidato.

C/raxmaan  Siciid oo ah Agaasimaha Isbitalka Magaalada Qardho ayaa HOL u sheegay in dhakhaatiirta ka hawl gasha Isbitaalka Qardho ay wadaan dadaallo lagu bad baadinayo labada ruux ee dhaawaca ah.

Gaarigaan la rasaaseeyay ayaa Maanta Barqanimadii ka soo amba baxay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana uu  shilkani dhacay xili uu ku sii jeeday dhanka Waqooyi ee dalka Somalia.

Lama garanayo ilaa iyo meesha  lala aaday Gaarigaasi, iyadoo kooxda weerarkani soo qaaday ay isaga baxeen Tuulada Sunjilbo oo ah meesha Gaarigani lagu dhacay.

Maamulka Gobolka KarKaar ayaa sheegay in ay soconayaan dadaallo lagu doonayo sidii Gaariga maanta la dhacay dib loogu soo celin lahaa gacanta miilkiilayaasha iska leh.

Ugu dambeyntiina, Dhawr jeer oo hore tuulada Sunjilbo waxaa ka dhacay af-duubyo kala duwan oo loo gaysanayo Baabuurta Isticmaasha Laamiga u dhaxeeya Magaalada Qardho Iyo  Magaalada Boosaaso.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe, Somalia