Arbaco, September 10, 2008(HOL): Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in uu isu soo taagayo doorashada xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir, wuxuuna caddeeyay in aysan isagu saameynin shuruudo lagu xiray qofka doonaya in uu ka mid noqdo madaxda maamulka Gobolka Banaadir.
Shuruudaha lagu xiray Musharixiinta Maamulka G/Banaadir
In ay Muwaadiniin Soomaali ah yihiin
In ay yihiin kuwo xushmeynaya Axdiga KMG ah, iyo Madaxda Dalka
In ay yihiin kuwo taageersan Barnaamijka Dib u heshiisiinta ee ay Dowladda waddo
In aysan ku lug lahayd arrimo dagaal-ooganimo iyo Xag-jirnimo diimeed
In ay yihiin kuwo nadiif ka ah ku xadgudubka Xuquuqda Aadanaha, isla markaana aysan ku lug lahayn falal dembiyeedyo iyo kuwo cadaalad dararo
In ay yihiin kuwo shacbiga dhexdiisa ku leh xushmad iyo qadarin, maamulkoodana lagu kalsoonaan karo.
Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa mar wax laga weydiiyay sida ay isu qabanayaan in lagu eedeeyo in uu dembiyo geystay, isla markaana uu dad barakiciyay intii uu xilka maamulka Gobolka Banaadir hayay iyo in uu mushaarax yahay ayaa wuxuu sheegay in uusan dad barakicin, waxa dadka barakiciyayna la garanayo.
“Waxaa dadka barakiciyay Ciidamo Shisheeye oo dalka la soo geliyay iyo Madaafiic, Baarlamaan ayaa Ciidamadaas soo geliyay Dalka, anigana Baarlamaan ma ahi”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in intii uu xilka hayay uu u talinayay Ciidamada Minishiimbiyada.
Maxamed Dheere waxaa uu intaas ku daray in uu ku kalsoon yahay in aaney qaban doonin shuruudaha lagu xiray qofka ka mid noqonaya madaxda maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna intaas sii raacsaday in uu wax badan qabtay intii uu xilka hayay, taasina ay dad badan u qirayaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xilkii looga qaaday Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir, waxaana isla wareegtadaas Gobolka loogu magacaabay Guddi KMG ah oo uu yeelan doono Gobolka Banaadir, kaasi oo muddo 15 maalmood gudahood ah ku soo diyaarin doona doorashada maamulka Gobolka Banaadir.
Xubnaha Guddiga KMG ah ee Gobolka Banaadir loo magacaabay
Ibraahim Shiikh Muxyadiin Guddoomiyaha Guddiga
C/qaadir Maxamuud Walaayo Ku xigeen
Xasan Maxamed Cusmaan Xaaji Xubin
Inj C/llaahi Cali Gadaafey Xubin
Maxamed C/llaahi Xaamud Xubin
Inj. Maxamed Jaamac Kulmiye Xubin
Xuseen Caddow Cali Xubin
C/llaahi Cabdulle Wehliye Xubin
Suufi Muudey Cali Xubin
Cali Macallin Nuur (Cali Yare) Xubin
Saciid Jaamac Cali Qoorsheel Xubin
Nuur Maxamed Xuseen Xubin
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia