Isniin, 1, 9, 2008 (HOL) Kulan ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 250 xubnood oo ka tirsan Jaalayadda reer Hiiraan ee Dalka Switzerland ayaa si qota dheer looga wada hadlay xaaladda uu marayo Gobalka Hiiraan, gaar ahaa dagaalladii dhawaa ee gudaha Magaalada ku dhaxmaray Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga ka soo horjeeda.
Jaalayadda ayaa qoraal ay soo gaarsiisay HOL waxaa ay ku sheegtay in wax laga xumaado tahay Dagaallada sida hadalka loo dhigay aan dhamaadka lahayn ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne oo dhowr jeer oo hore ay ku dagaalameen Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda, iyagga oo dhinaca kale wax lala yaabo ku tilmaamay in Mas'uuliyiinta hadda jooga Magaalada ku guul dareystaan in ay Ciidamada ka fogeeyaan goobaha shacabku degan yahay.
Sidoo kale Jaalayadda waxaa ay si gaar ah u xustay dadkii ku barkacay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada kuwaa oo dhibaato adag oo dhinaca nolasha ah soo food saartay maadaama aysan helin gargaarkii ay u baahnaayeen, waxaana xubnaha kulanka ka qeyb-galay sheegeen in ay xoogga saari doonaan sidii dadkaasi loo gaarsiin lahaa kaalmo ugu yaraan dabooli karta baahida dhinaca nolasha ah ee dadkaasi heysata.
Dadaalka ay wadaan Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayuu kulanku si weyn u soo dhaweeyay, iyagoo ku booriyay Odayaasha in ay sii wadaan howlaha ay u hayaan bulshada, gaar ahaa baajinta dagaal mar kale ka dhaca gudaha Magaalada xili waliba la guda galay Bisha barkeysan ee Ramadaan.
Kulanka Jaaliyadda reer Hiiraan ee Switzerland ayaa lagu dhisay Xubno Guddi ah oo ka soo shaqeeya hirgalinta waxyaabihii shirka ka soo baxay waxaana ka mid ah Eng, C/casiis Axmed C/dule oo ah Guddoomiyaha Gudiga, Nabadoon Duuliye Sare Axmed Shuuriye, Max'ed Keynaan, Xasan Barre, Max'ed Xuseen, Axmed Mux'ed, iyo Max'ed Axmed.
Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow oo dhinaciisa la socday kulanka Jaalaydda ku yeelatay dalka Switzerland ayaa sheegay in uu bogaadinayo dadaalka ay wadaan, waxaana uu ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xubnaha la dhisay ay faragalin ugu soo sameeyaan Gobalka si marka loo samatabixiyo bulshada dhibaateysan ee waqtiga adag ku jirta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Kulan ballaaran oo ay yeesheen Jaalayadda Reer Hiiraan ee Dalka Switzerland oo looga hadlay xaaladda adag ee uu marayo Gobalka Hiiraan
Cabirka Farta
More News
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo mar kale codka Kalsoonida siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde
- Dagaalka Hawada ee u dhaxeeya Idaacadaha Muqdisho
- Magaalooyin ka tirsan Puntland oo aan maanta laga soomin
- Dagaal saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho
- Muqdisho oo maanta laga wada sooman yahay
- AADAN GARAASO : “Ma dhahayo Ciidamada Itoobiya xiligan waa ay ka baxayaan Magaalada Beledweyne laakiin waxeynu xoogga saari doonnaa sidii loo baneyn lahaa goobaha lagu cibaadeysto”
- Ma dhabbaa in Carruur lagu xaday Magaalada Laascaanood?
- Dilka Dadka rayidka ah oo ku soo badanaya Gaalkacyo
- Acmaasha tan ugu khayrka badan Ramaanka Dhexdiisa