AADAN GARAASO : “Ma dhahayo Ciidamada Itoobiya xiligan waa ay ka baxayaan Magaalada Beledweyne laakiin waxeynu xoogga saari doonnaa sidii loo baneyn lahaa goobaha lagu cibaadeysto”

Cabirka Farta
Isniin, September 01, 2008(HOL): Duqa Magaalada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) oo ka war bixinayay Xaaladfa Nabad-galyo ee Magaalada Beledweyne xili la guda galay Bisha barkeysan ee Ramadaan ayaa sheegay in kulan ay wada qaateen Mas'uuliyiinta Degmada iyo Odayaasha Dhaqanka laysku afgartay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo Ammaanka Degmada.
 
Aadan Garaaso ayaa mar la weydiiyay bal in ay baxayaan Ciidamada Itoobiya iyo in kale ayaa sheegay arintaas aysan ahayn mid xiligan laga hor dhici karo, balse waxaa uu yiri muhiimaddu waa in meesha laga saaro kuwo qal qalka ku abuuraya dadka ee Nabada ka soo horjeeda.
 
“Ma dhahayo Ciidamada Itoobiya xiligan waa ay ka baxayaan Magaalada Beledweyne laakiin waxeynu xoogga saari doonnaa sidii loo baneyn lahaa goobaha lagu cibaadeysto” ayuu yiri Aadan Garaaso.
 
Laakiin hadalkaa ka soo yeeray Duqa Magaalada Beledweyne ayaa waxaan ku farxin in badan oo ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada oo ka war dhowrayay bal in Ciidamada Itoobiyaaku ka tagaan Magaalada, gaar ahaan waxaa arintan walaac aan yareyn ka muujinaya Culimaa'udiinka iyo Ganacsatada Magaalada.
 
Mid ka mid ah Culima'udiinka ayaa u sheegay HOL xitaa haddii ay Ciidamadu baneeyaan daafaha Masjidyada in aysan jirin cid ku dhiiran karta in ay ku cibaadeysto, waayo ayuu yiri mar walba halistu waa mid jirta.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka Reer Beledweyne xiligan waxaa ay u muuqdaan kuwo ka sii quusanaya rajadii ay ka qabeen in Ciidamadu ka tagaan gudaha Magaalada, waxaana xusid ku mudan in Bisha Ramadaan ay ku soo beegantay xili in badan oo ka mid ah Xafadaha Beledweyne yihiin kuwo cidla ah oo laga kala tagay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia