Isniin, September 01, 2008(HOL): Dilka Dadka Rayidka ah ayaa waqtiyadan danbe Caadi ka noqday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyadoo Magaaladaasi waqtiyadii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal kala duwan oo lagula kacay dadka rayidka ah.
Dilkii ugu dambeeyay waxaa loo gaystay 3 qof oo Rayid ahaa, kuwaasi oo ka tirsanaa shacabka Magaaladaasi waxaana dilkooda ka dambeeyay nin hubaysan oorasaas ooda kaga qaaday, kaasi oo markii uu dilka geystay kadibna baxsaday.
Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee dhanka Waqooyi ayaa xiliga habeenkii ah ka bilaabay Magaalada gudaheeda hawlo roondooyin ah oo ay ka samaynayaan xaafadaha qaar ee Magaaladaasi ku yaala.
Magaalada Gaalkacyo oo xiligan uu saaranyahay bandaw bilaababanaya 8:00 fiidnimo ayaysan muuqan wax isbadal ah oo ku yimid dhankaas, waxaana weli jira falal amni darroa h iyo dilal dadka rayidka ah loo geysanayo.
Dilalka ka dhacaya Magaalada Gaalkacyo ayaa inta badan waxa ay u dhacaan si kama ah, iyadoo inta badan loo sababeeyo dilalkaasi in ay ka danbeeyaan kooxo aan la garan cidda ay ka amar qaataan sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Gobolkaasi.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Mudug Daahir Af-law oo maalin ka hor saxaafadda Gaalkacyo la hadlay ayaa tilmaamay in la wado qorshayaal ay Maamullada ka jira Magaalada Gaalkacyo isaga kaashanayaan sugidda Ammaanka
Daahir Af-law ayaa intaasi ku daray in Odayaal ka socda dhanka Waqooyiga ee Magaalada Gaalkacyo ay arintaasi dadaal balaaran ugu jiraan, iyagoo kaashanaya Odooyaasha Maamulka Koonfurta ee Magaalada Gaalkacyo
Bandawga saaran Magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid labada Maamul ee Magaaladaasi ka kala dhisan ay u wada simanyihiin , maadaama labadaasi Maamul ay khaati ka taagan yihiin dhibaatooyin ka soo wajahay dhanka Amniga
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia