Magaalooyin ka tirsan Puntland oo aan maanta laga soomin

Cabirka Farta

Isniin, September 01, 2008(HOL):  Iyadoo maanta qeybo fara badan oo ka mid ah dunida Muslimka si isku mid  ah looga soomay yaa hadana waxaan maanta laga soomin Magaalooyin fara badan oo ka tirsan Maamulka DGPL.

Magaalooyinka aan laga Soomin ee ka tirsan Maamulka Puntland, waxaa ka mid ah Magaalada Gaalkacyo, Badhan iyo Dhahar sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka  Magaalooyinkaasi.

Khilaafkaan dhinaca Soonka ah ee soo kala dhexgalay qaybo ka mid ah Shacabka  Puntland ayaa loo sababaynayaaa dhinaca Madaahibta, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in ay aragti ku Soomi doonaan.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalooyinka aan laga Soomin ayaa la rajaynayaa in maalinta berri ah ay ku soomaan si bilaa Shuruud ah, walaw laga yaabo in aanan la arag bisha barakaysan ee Ramadan.

Soonka sanadkan ayaa u  muuqda mid si aad ah ay isugu khilaafsan yihiin   Culumaa’udiinka Puntland, iyadoo arimaha la xiriira khilaafka soonka uu dhawr jeer oo hore uga soo dhacay Magaalooyin ka mid ah Puntland.

Dhinaca kale maanta oo Isniin ah kuna beegan 1 Semptember ayaa si aad ah looga soomay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, iyadoo kulan uu Maamulka Gobolka ku qabtay xalay xarunta Gobolka uu ku iclaamay in ay soomaan shacabka ku dhaqan guud ahaan Magaalada Boosaaso.

Inkastoo aan Magaalooyin ka tirsan Puntland ka tirsan aan laga soomin ayaa hadana waxaa arimahaan ay imaanayaa xili waqtiyadii ugu danbaysay ay shacabka Puntland diyaar garaw ballaaran ugu jireen bishan Barakaysan

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia