Isniin, September 01, 2008(HOL): Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Somaliland Axmed Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in uu saluugsan yahay qaabka ay Xabsiga Laascaanood uga baxsatay gabadh Maxkamada Gobolka Sool ku xukuntay shan sanno oo xadhig ah ka dib markii uu ku cadaaday in ay qaadatay ilmo carruur ah oo aanay dhalin, isaga oo ku dooday in qaab abaabulan lagu sii daayay haweenaydan. Sidoo kale wuxuu sheegay inay ogaadeen in carruur tobaneeyo ka badan ay ka maqan yihiin qoysas deggen Laascaanood.
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha oo Wargeyska Ogaal xogwaraysi kala yeeshay arrita haweenaydan, ta Guddida nabadgalyada iyo arrimo kale mar uu na soo booqday, waxa uu sheegay in uu dhawaan arrinta gabadhaas oo lagu magacaabo Safiya u tagay Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, xogwaraysi arrinta gabadhan ku saabsana la yeeshay, dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin garsoorka Gobolka, Taliyaha iyo Ciidamada Booliska Gobolka, haweenaydan dambiga loo haysto iyo ninkeeda iyo dadweynaha deegaanka . “Markaan gabadhan waraystay waxyaabo aad u mucjiso ah ayaa iiga soo baxay, waxaanay ii sheegtay in ninkeedu muddo laba sannadood ahaa uu ku lahaa illmo doon, ka dibna ay ilmihii doontay kuna soo guulaysatay oo ay u keentay ninkeeda.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyuhu Komishanka xuquuqal iinsaanka Axmed Yuusuf Xuseen. Waxaanu tilmaamay in ninka gabadhan qabaana uu ku dooday arrin taa gabadhiisa ka duwan, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Ninka gabadhan qabaana waxa uu igu yidhi aniga ilmahan la soo xaday Allahay ka Alle ee gabadhani Uur ayay igaga tagtay, Uurka markay igala tagtay sidii ay iiga maqnayd ayay ayay ila soo hadashay oo ay igu tidhi inan (gabadh) ayaan umulay waanan soo socdaa oo waan imanayaa.”
Guddoomiyuhu waxa uu intaa ku daray in muddo yar ka dib ay u yimaadeen ninka gabadhan qabay raacdadii iyo dadkii baadi doonayay ilmaha amina la xaday.. “Raacdadii gabadha daba ordaysay ayaa Aniga ii timi, waxaana la igu soo helay Teleefan ay igala soo hadashay oo ay lahayd ilmaha la xaday hooyadeed.” Ayuu sheegay Guddoomiyuhu in uu yidhi ninka qabay gabadha ilmaha soo qaadatay.
Axmed Yuusuf Xuseen waxa uu sheegay ka dib markii ay gabadhani ogaatay in arrintii fashilantayn ay ilmihii yaraa oo far bilood jir ah ku soo bedashay ilmo kale oo ay walaasheed dhashay oo ay isku wakhti yihiin. “Raacdadii markii ay soo gaadhay gabadha waxa ay yidhaahdeen gabadha ilmaha naga soo xaday waatan, laakiin ilmuhu kaayagii maaha. Xuuraan muddo socday ayaa lagu soo helay in gabadhan walaasheed ilmihii hayso. Ninka haweenaydan qabaa waxa uu ii cadeey in uu isagu Booliska u fududeeyay in gabadhan la qabto, maadaama iyada oo aan waxba dhalin ay ku tidhi ilmo ayaan dhalay, balse ay u cadaatay in aanu dhalin ilmahan ee la soo xaday, ka dibna ay gabadhu ugu hanjabtay in ay god ku ridi doonto haddii aanu lacag ay ku baxsato siinin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal iinsaanku, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Gabadhu in ay ilmahan soo xaday aniga Axmed ahaan way ii qiratay, in ay doonayso in ay iibisana way ii qiratay, markaan ku idhi maxaad ku falaysaan ee aad u iibinaysayna waxay igu tidhi ‘Maraykanka ayaan doonayay in aan ku tago, meesha ay ka iibinayso markaan waydiiyayna waxay igu tidhi, ninkayga ayaa garanaya meesha laga iibiyo. Markaa waxaan dareemay in ay wax iga qarinayso.
Dadka deegaanka Laascaanood oo ay badhkood reerkan Jaar la ahaayeen waxa ay ii sheegeen in 11 hablood oo yar-yari ay ka maqan yihiin oo loo filayo gabadhan. Markaa waxaan dareenkaygii qofnimo is idhi dambiga ninka iyo gabadhu way ku wada jireen, waayo waxa la ii sheegay in uu ninkani sameeyay wanqal tii ilmo carruur ah oo dhashay loo samayn jiray ka balaadhan oo uu ku sameeyay Tuulada Ceegaag oo ay degan yihiin reerkani.” “Waxa la yaab leh reerkii Ilmaha laga xaday ee dhibaatadu soo martay ayaa inta kharash la siiyay shan kun oo Doollar ah idinku iska taga ilmihiinina wakaas ee qaata lagu yidhi .taasina shakiga ayay sii kordhisay”.
Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in Xabsigu yahay cidhiidhi oo uu gaaban yahay dayrkiisu, balse aanay ahayn meel quf dumar ahi ka baxsan karto. “Anigu Komishan xuquuqal iinsaan ahaan kuma qanacsani qaabka ay gabadhaasi xabsiga uga baxday oo la iigu dhigay in uu nin gaadhka ku jiray u fududeeyay in ay baxsato, waayo qof kaliyi qof ma sii dayn karo, oo gaadhku qof maaha, Askarta qaar ayaa gaydhka dibadiisa jooga, gudihiisa jooga, qaar ayaa furayaasha haya, xataa Taliyaha ayaa dhex seexda oo aan makhsinkiisa lamaanahan ku waraystay. Markaa arrinu arrin qof agaasimay way ka wayntahay, gabadhuna darbiga kamay boodin ee albaabka ayay ka baxday.” Ayuu yidhi.
Axmed waxa uu ku dooday in tuhun badan uu ay qabeen inay jirto kudlad isku xidhan oo ka ganacsata caruurtu, balse taas aan laga gun gaadhin. Isla markaana isaga oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay Komishan ahaan in ay garanayaan suuq ganacsi oo carruurta lagu kala iibsado oo ku yaala qaaradda Afrika oo ay gabadhani ka iibin karto ilmahan amaba cid kale carruur u iibgeyn karto. Waxa uu sheegay in meel gaar ah oo ay ka warhayaan in carruurta lagu iibsado aanay jirin, balse si qarsoodi ah loogu iibsado wadamo ay Jaad ka mid tahay. “Dadka hawshan ku jira ama ku jiri karaa waa dad si heersare ah u abaabulan lacagna haysta, qofka caadiga ahi sida uu u ogaan karaana aad ayay u adag tahay. Laakiin waa mushkilad baaxad leh oo dalka soo food saartay wax ka qabashadeeduna dawlada ayay u taalaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Axmed Yuusuf Xuseen oo la waydiiyay Xuquuqal iinsaan ahaan waxa ay uga hadli waayeen dadka Guddida nabadgalyadu xukunto oo qaarkood ku dhex sakaraadaan Jeelasha waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Anagu Guddida nabadgalyada dhawr jeer ayaanu ka hadalay Xuquuqal iinsaan ahaana ma waafaqsanin qaabka ay Guddida nabadgalyadu wax u xukumaan sharci ahaan amina dafiri karo oo way jiraan.” Waxaanu ku dooday Guddoomiyuhu in ay jeelasha tagaan oo ay dadka ay guddida nabadgalyadu xukunto qaarkood kiisaskooda dib u eegaan, balse iyaga qudhoodu aanay awood sidaas ah lahayn oo xeerkoodii weli dhex rafanayo Golayaasha sharci-dejinta.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland