Isniin, September 01, 2008(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xaruntooda KMG ah ee magaalada Baydhabo ayaa waxay mar kale codka kalsoonida siiyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Xildhibaannada ayaa intii aaney codka kalsoonida u qaadin Xukuumadda waxaa xaruntii shirka hareeyay buuq iyo sawaxan ka dhashay qaabka codka kalsoonida loogu qaadayo Xukuumadda (gacan-taag iyo qarsoodi), waxaana ugu dambeyntii la qaatay in codka kalsoonida uu noqdo qaab gacan taag ah.
Mudanayaasha Baarlamaanka oo si weyn looga dareemayay fikir kala duwanaasho ku saabsan mooshinka laga keenay Xukuumadda Federaalka ayaa hadana ugu dambeyntii waxaa uu mooshinkii ku soo gebageboobay in Xukuumadda ay Baarlamaanka ka heshay codka kalsoonida.
Waxaa xusid mudan in intii aan codka kalsoonida loo qaadin Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankii maanta ee Baarlamaanka isaga baxeen Xildhibaano u badnaa kuwii mooshinka ka soo diyaariyay Xukuumadda, kuwaasi oo sida la sheegay ka carooday qaabkii uu Guddoonka Baarlamaanka u guddoominayay Kulankii ay Mudanayaasha Baarlamaanka isugu yimaadeen.
Markii ay Xildhibaannada Baarlamaanka isku raaceen in gacan-taag ah loogu codeeyo Xukuumadda Federaalka ayaa wuxuu guddoonka Baarlamaanka go’aamiyay in si gacan-taag ah codka kalsoonida loogu qaado Xukuumadda, waxayna 191 Mudane oo ka mid ahaa 200 oo Mudane oo kulankii maanta fadhiday ay codka kalsoonida siiyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, 7 Mudane waa ay diideen 2 Mudane oo kalena waa ay ka aamuseen cod-bixintaas.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo kalsooni-siinta Xukuumaddiisa kadib u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay kalsoonida la siiyay Xukuumaddiisa, wuxuuna sheegay in ay kalsooni-siintaas ku dhiirigelineyso howsha uu hayo.
Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu Xildhibaanada baarlamaanka horay uga codsaday in ay saxaan haddii uu qaldan yahay, haddii uu waddo sax ah ku socdana ay taageeraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia