Isniin, September 01, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay gudanayaan waajibaadka Bisha Barakeysan ee Radamaan, iyadoo aaney jirin dad afuran oo ka shaki qaba bilashada Bisha Ramadaan.
Dadkani ayaa waxay Soonka xirteen kadib markii meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya laga arkay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay dadka bisha arkay ay ku jireen kuwo lagu kalsoonaan karo oo qaarkood ay Masjidyo Imaamyo ka ahaayeen.
Inta badan goobihii laga cunteyn jiray ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, waxayna taasi muujineysaa sida aaney dadka Muqdisho isugu khilaafin bilashada bisha barakeysan ee Ramadaanka.
Waxaa soo yaraanaya khilaafaadyadii ka imaan jiray bilashada Bisha Soonka iyo Bisha Soon-fur, waxaadna mooddaa in dadka uu wacyigooda soo korayo, isla markaana ay meel iska dhigayaan khilaafaadyadii ka dhalan jiray Soonka iyo Ciidaha.
Bisha Barakeysan ee Ramadaanka ayaa waxay tahay fursad dadka Muslimiinta ah sanadkiiba mar soo marta, taasi oo uu abaal-marinteeda uu leeyahay Allaah oo kaliya, sidaas darteedna waxaa la gudboon qof kasta oo Muslim ah in uu fursaddaas ka faa’iideysto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia