Ciidamo ka socda Burundi oo Muqdisho gaaray

Sabti, October 11, 2008(HOL): Ciidamo ka socda Dowladda Burundi oo qeyb ka ah Ciidamada AMISOM ayaa maanta waxay gaareen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay 400 oo askari ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka dejiyay labo diyaaradood oo ka soo qaaday Dalka Uganda, waxayna u biireen Ciidamo kale oo Dowladda Burundi horay uga sii joogay Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada Amisom oo aan Ciidamada yimid wax ka weydiinay ayaa waxay sheegeen in uu dhaqdhaqaaq ciidan jiro laakin aysan dooneyn in ay faah-faahin dheeraad ah bixiyaan.

Imaanshaha Ciidamadan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan weerarro lagu qaadayay Ciidamada Amisom ee ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo aan iyagu horay loo  weerari jirin, waxaana dhowr jeer oo hore lagu weeraray fariisimo ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Isgoyska KM4 iyo Xarunta Jaamacaddii Umadda.

Dowladda Burundi waxaa horay uga joogay Magaalada Muqdisho Ciidamo ka badan 300 oo askari, kuwaasi oo saldhig gaar ah looga sameeyay Xarunta Jaamacaddii Umadda, iyadoo halkaasna labo jeer lagu weeraray.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa horay u sii joogay ku dhawaad 2,200 oo Askari oo ka kala socda Dowladaha Uganda iyo Burundi, kuwaasi  oo magaca Amisom uga howlgelaya Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia