Sabti, October 11, 2008(HOL): Waxaa socda dadaal lagu badbaadinayo Markab weyn oo ay ku raran yihiin Gaadiid iyo Shamiindo, kaasi oo ay biyo badan hoos ka soo galeen mar uu ku soo dhawaaday Dekedda Muqdisho.
Markabkan oo u raran ganacsato Soomaaliyeed ayaa markii uu ku soo dhawaaday Dekedda Muqdisho oo uu isu diyaarinayay in uu Baroosinka dhigto ayaa la sheegay in ay biyo hoos ka soo galeen, kadibna ay shaqeyn waayeen Matoorro biyaha ka saari lahaa.
Markii la arkay in Markabka ay dhibaato ku timid ayaa waxaa u soo gurmaday Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha Dekedaha, kuwaasi oo Markabka u soo jiiday Dekedda, Baroosinkana u xiray.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo arrinta Markabkaas ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in ay Dekedda geeyeen Matoorro biyaha looga saarayo Markabkaas oo uu sheegay in uu yahay mid weyn oo haddii uu Dekedda ku dego aysan Dekedda shaqeyn doonin.
Wararkii ugu dambeeyay ee Markabkan naga soo gaarayna waxay sheegayaan in dejin lagu bilaabay Gaadiidka iyo Shamiindada saaran Markabka, iyadoo dhinaca kalena ay soo badanayaan biyaha soo gelaya Markabka. Markabkan ayaa markiisii hore wuxuu ka soo shiraacday Deked ku taala Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.
Dekedda Muqdisho oo haatan laga badbaadinayo in uu ku dego Markabkan ayaa waxaa horay qeybo ka mid ah ugu jiray Taagag burburay, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan lagu guuleysan in laga saaro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia