Kooxaha Burcad Badeedka ah ee heysta Markabka Hubka wada oo ku hanjabay in Markabka burburin doonaan haddii aan la siinin Lacag Madax-furasho ah oo ay dalbadeen

Sabti, October 11, 2008(HOL): Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida ah ee heysta Markabka Dalka Ukraine laga leeyahay ee Hubka wada ayaa waxay wacad ku mareen in ay Markabkaas burburin doonaan haddii aan seddex maalmood gudahood lagu siinin lacag madax furasho ah oo ay dalbadeen.

Afhayeen u hadlay Kooxahan Burcad Badeedka ah oo lagu magacaabo Sugulle Cali ayaa isagoo u waramayay Wakaaladda Wararka AP wuxuu sheegay in ay Dadka  iska leh Markabkan ay fursad siiyeen ilaa Isniinta soo socota, wuxuuna caddeeyay in haddii aan la siinin lacagtaas oo dhan 20 Milyan oo Doollar ay Markab burburin doonaan.

Waxaa uu ka digay in Ciidamo Mareykan iyo Ruush ah oo ku hareereysan Markabka ay heystaan ay isku dayaan in ay awood u isticmaalaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii ay Ciidamadaas dhinacooda soo aadaan ay iska caabin doonaan, Markabka ay heystaanna ay bur-burin doonaan.

Waxaa uu sheegay in hadafkoodu yahay in ay helaan lacagta madax-furashada ah ama ay Markabka, Hubka iyo Shaqaalaha saaran ay burburiyaan, wuxuuna caddeeyay in ay go’aankaas qaateen kadib wada hadallo socday seddex saacdood oo ay wada yeesheen.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Faina ayaa waxaa laga leeyahay Dalka Ukraine, waxaana ku raran Qalab Mileteri oo isugu jira Taangiyo iyo Hub noocyo kala duwan leh, waxaana sidoo kale saaran Markabka Shaqaale 20 Ruux gaaraya, kuwaasi oo u kala dhashay Dalalka Russia, Ukraine iyo Latvia.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, hadalka ka soo yeeray Kooxahan Burcad Badeedda ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Gaashaan-buurta NATO ay ku dhawaaqday in ay Xeebaha Soomaaliya u direyso 7 Markab oo ay Ciidamo saaran yihiin, kuwaasi oo la dagaalami doonaan Kooxaha Burcad Badeedka ah, iyadoo horayna ay Xeebaha Soomaaliya u soo joogeen Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Dalalka Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia