Sabti, October 11, 2008(HOL): Biyaha Badda u dhaxaysa Magaalo-xeebeedyada Laasqoray illaa Maydh ee Somaliland ayaa lagu arkay Kalluun tira badan oo bakhtiya, isla markaana ku soo caariday Xeebaha.
Dadweynaha ku dhaqan deegaanada u dhexeeya Degmooyinka Maydh iyo Laasqoray ayaa sheegay in ay ku waabariisteen raxan-raxan Kaluun bakhti ah oo ka soo caariday qooriyada badda. Iyaga oo la rumaysan yahay in sababta kaliftay dhimashadan Kalluunka ay tahay Sun dhinaca badda ah oo loo filayo in ay daadiyeen Maraakiib iyo Doonyo si sharci-darro ah uga Kaluumaysta Badaha. Deegaannada lagu arkay Kalluunkan bakhtiga ah ee soo caariday ayaa ah inta u dhexaysa Degmooyinka Laasqoray iyo Maydh, sida Qooriyada Waqdariya, Laasafudud, Qooriga Sareexaad iyo kuwo kale.
Taliyaha Illaalada Xeebaha Somaliland ee Gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf oo wax laga waydiiyay waxyeelada ka liftay in Kalluunku dhinto, ayaa sheegay in ay waxyeeladani tahay mid dhibaatadeedu balaadhan tahay, isla markaana aan loo dulqaadan Karin. Taliyaha oo la sii waydiiyay maadaama Ciidamada Illaalada Xeebaha Somaliland ay joogaan dhamaanba xeebaha Somaliland waxa uu ku sheegi karo, waxa uu yidhi, "Waxa jira Maraakiib si qarsoodi ah uga Kalluumaysta Bada, kuwaas oo aan u filayo in ay iyagu gaysteen dhibaatadan dhimashada Kalluunka."
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa markhaati u noqonaysa eedaymo ay xubno ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ay hore ugu jeediyeen Xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen in Maraakiib ay heshiis la soo gashay ay Sun iyo qashin halis gelin kara noolaha badda iyo deegaanada ku xeeran ay ku daadiyeen Badda Somalilan iyo in si sharci-darro ah ay uga Kalluumaystaan. Eedaymahaas oo ay Xukuumadda Somaliland ku tilmaantay kuwo waxba kama jiraan ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland