Sabti, October 11, 2008(HOL): Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Markab af-duub loogu haysto Xeebaha Puntland, kaasi oo u rarnaa Shirkada Ganacsi oo Barwaaqo lagu magacaabo.
Madaxwaynaha ayaa tilmaamay in xoog lagu soo furan doono Markabkaasi, isla markaana xoog looga hortegi doono Kooxaha Burcad Badeedka ah ee af-duubka u haysta Markabkaasi.
"Mar la arkaa Caruur hubaysan ayaa naga hortaagan horumarka Dalka, taasina raali ka noqon meyno " ayuu yiri Madaxwayne Cadde oo saxaafadda la hadlay shalay gelinkii danbe.
Madaxwaynaha ayaa ka hadlay falalka afduub ee ka dhaca xeebaha Puntland ,waxaan uu arintaasi ku eedeeyay in ay ka danbayso gacan shisheeye, isagoo intaasi ku daray in wax laga qaban doono af-duubyada ku soo badanayay Xeebaha Puntland.
Dhinaca kale waxaa shalay gelinkii dambe loo diray Markabka af-duubka loo haysto Ciidan aad u fara badan, kuwaasi oo loogu talagalay in Burcadda ay ka soo fara maroojiyaan Markabka ay af-duubka u haystaan, waxaana sidaasi Saxaafadda u sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland C/raxmaan Bangax.
Hadalka Madaxwaynaha ayaa imaanaya maalin uun kadib markii af-duub loo geystay Markab u rarnaa Shirkadda Barwaaqo oo fadhigeedu yahay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsi ee Puntland
Ugu dambeyntiina, Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Cadde ayaa ka digay afduubyada ka dhacaya Puntland, isagoo sheegay in arimahaasi hadda wixii ka dambeeyay awood loo adeegsan doono.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia