Cabashooyinka ka soo baxaya habka Guddiga Doorashooyinka Somaliland u maamulay hawlaha Ololaha wacyigelinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Sabti, October 11, 2008(HOL):  Ololaha wacyi gelinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha doorashooyinka ayaa xilligan ka bilawday gobollo ay ka mid yihiin Saaxil iyo Sanaag ee Somaliland. Iyada oo Jidadka Magaalooyinkaa iyo kuwa kale ee Somaliland qaarkoodba aad ku arkayso oo Indhahaagu qabanayaan halku-dhegyo dadweynaha lagu wargelinayo inay isdiiwaan-geliyaan, hase ahaatee waxaa dhinaca Gobolka Sanaag ka soo baxaya cabashooyin ku aaddan dhinaca Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Hoolka shirarka ee Xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa waxa ka qabsoomay shir lagaga hadlayay cabashooyinkan. Kaas oo ay ka  qayb galeen Guddoomiyaha Degmada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, Gudd. Guddida Horumarinta Gobolka Sanaag, Gudddida waxbarashada ee Gobolka Sanaag, Cuqaal, iyo dhalinyara Gobolkan Sanaag. Waxaana khudbado ka jeediyey madaxdii ka soo qayb gashay, iyada oo dhamman laga hadlayey kaalinta gobolka Sanaag ku yeelan karo doorashooyinkan iyo eedaymo ay u soo jeedinayeen Komishanka Doorashooyinta.

Guddoomiyaha Degmada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi, "Gobolku (Sanaag) wuxuu leeyahay dhalinyaro waxbaratay, gaadiid iyo weliba shidaal maaha in shaqaalaha ka shaqaynaya hawlaha diiwaangelinta iyo gaadhiiskaba laga keeno Hargeisa, haddii tixgelin la siin waayo saamiga ay bulshada gobolkan ku dhaqani u leeyihiin inay ka qayb galaan dadka ka shaqaynaya doorashooyinka iyo gaadiidka ka hawlgelaya. Wwaxaan cid kasta oo ay khusayso u sheegaynaa inaanay doorasho ka dhacayn magaaladan Ceerigaabo..." Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Waxaan u sheegaynaa wax allaale wixii ka dhashay arrintan inay masuuliyaddeeda qaadayaan madaxda komishanka doorashooyinka ee xilligan wax maamulaysaa"

 Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Sanaag mudane Cabdullaahi Axmed Daamur ayaa isaguna sheegay inay ka gobol ahaan sannadka ka go'an tahay in haddii la tixgelin waayo codka gobolka Sanaag in ay iyana ka fiirsan doonaan ka qayb galka diiwaangelinta, "Sida uu sheegay guddoomiyuhu gobolku waa gobol ballaadhan 700 oo qof oo shaqaale ah ayaa loo qaatay inay hawlaha diiwaangelinta ka qayb galaan, balse 20 qof ayaa la yidhi gobolka Sanaag oo ah gobolka ugu ballaadhani ha qaato. Arrintaasi maaha arrin la aqbali karo ka gobol ahanna waxaan komishanka doorashooyinka u sheegaynaa inaanay diiwaangelin noogu soo hagaagin haddii ay na tixgelin waayaan"  ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida horumarinta Gobolka Sanaag Mudane Cabdullaahi Axmed Daamur.

Marwo Faadumo Axmed oo ka tirsan haweenka gobolka Sanaag, kana mid ahayd dadkii ka hadlay Shirka ayaa xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland u soo jeedisay in dib looga fiirsado in qofkasta ka codeeyo goobta uu iska diiwaangeliyo, arrintaas oo ay ku tilmaantay inay tahay caqabad aad u ballaadhan oo bulshadan soo foodsaaraysa maadaama ay dadkani yihiin dad socdaal badan.

Shirkan ballaadhan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay ka hadhsan tahay wakhtigii loo cayimay inay diiwaangelintu bilaabanto muddo ka yar Shan maalmood oo kalya, taas oo ku aaddan 14-ka bishan.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.