Sabti, October 11, 2008(HOL): Wufuudan ayaa waxa ay halkan yimaadeen 8dii bishan aynu ku jirno, waxayna ka kooban yihiin 11 xubnood oo mid ay dumar tahay waxayna ka kala socdaan ururka dib u xoreynta Soomaaliya iyo10 xubnood oo iyaguna ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddiyada labada dhinac ka kala socda ayaa inta ay Koofur Afrika joogan waxay ka qeybgeli doonaan Seminaar socon doona ilaa 17 ka bishan, iyadoo Seminaarkaasna uu yahay mid ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Xafiiskeeda Siyaasadda Soomaaliya oo dhawaanahan ku howlanaa Xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya.
Seminaarka ay ka qeybgelayaan labada Guddi ee ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxaa looga hadlayaa Nabadda iyo Siyaasadda Soomaaliya,
Maxamamed Maxamuud Xeyd oo ah madaxa Guddiga Dowladda Federaalka Xuseen Siyaad (Qoor-gaab) oo ah madaxa wafdiga mucaaradka ayaa labaduba waxa ay HOL u sheegeen in ay la kulmi doonaan xubno ka tirsan dowladda dalkan Koofur Africa iyo qaar ka tirsan xubnaha xisbiga talada wadankan haya ee ANC si ay ugala xaajoodaan arimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Wadankan ku dhaqan sidii ammaankooda loo ilaalin lahaa ahaa.
Waxaa ay madaxda labada Wafdiba sheegeen in ay ka mideeysan yihiin kala xaajoodka Dowladda Koofur Africa arrimaha Soomaalida ku dhaqan dalkan oo iyaguna dhawaanahan loo geysanayay dhibaatooyin fara badan oo dhac iyo dil ay ugu horeeyaan.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Capte Town, South Africa