Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Deegaanka Garas-yaani ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, May 07, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka ka tegay Degmada Buulo Burte ayaa maanta duhurnimadii lagu weeraray Deegaanka Garas-yaani ee bartamaha Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo watay ilaa 30 gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa waxaa dhexda u galay Xoogag ka soo horjeeda joogitaankooda Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan sheegin magaca ay ku howlgelayaan.

Dagaalka oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaan la ogeyn khasaaraha uu geystay, sabab la xiriirta iyadoo halka lagu dagaalamayo uu yahay dhul buuraley ah oo aaney dad badan ku sugneyn, walow ay dhici karto in ay ku nool yihiin Dad Xoolo-dhaqato ah.

Dadka ku dhaqan Degmada Buulo-Burte oo ay in muddo ah Ciidamadan Itoobiyaanka ah dul-deganaayeen ayaa saaka neef weyn ka soo fuqday kadib markii ay Ciidamada ka tageen, waxaana durba bilowday dad guryahooda ku soo noqonaya, kuwaasi oo horay uga cararay Ciidamada Itoobiyaanka.

Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo ku sugan Deegaanka Kala-beyr ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saaka aroortii lagu weeraray Madaafiic hoobiyayaal ah, iyadoo madaafiicdaasna aysan geysan wax khasaare ah waa sida uu ku waramay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) oo ku sugan Deegaanka Kala-beyr.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Daba-geed oo haatan ku sugan Deegaanka Kala-beyr ayaa mar sii horeysay oo uu hadlay waxaa  uu sheegay in uu dib ugu soo noqonayo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, inkastoo uusan shaacin waqti rasmi ah oo uu dib ugu soo noqonayo Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia