Xubno ka tirsanaa Madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo nolol iyo geeri la la’ yahay muddo 2 bilood ah

Arbaco, May 07, 2008(HOL): Shir ay Muqdisho ku yeesheen Madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa walaac looga muujiyay labo xubnood oo Madashaas ka tirsan oo muddo labo bilood ah nolol iyo geeri lagu la’ yahay.

Labadan Xubnood oo lagu kala magacaabo Cusman Maxamed Xaaji iyo Axmed Cabdulle Soomane ayaa waxay u shaqeynayeen Hay’ad Samafal ah oo gargaari jirtay Dadka dhibaateysan, waxaana lagu af-duubtay Suuqa Bakaaraha

Madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo ka kooban Daaladaha INXA, COCWO, Dhaqaaqa, Isbahaysiga Xorriyadda Hadalka, CRD iyo kuwo kale  ayaa waxay codsatay in haddiiba ay nool yihiin xoriyaddooda dib loogu soo celiyo labada ruux ee la af-duubtay.

Dhanka kalena, Madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay shirkeeda uga hadashay sicir bararka ka taagan Soomaaliya, diidmada lacagta duugowday ee kunka shilin  iyo waxa sababta u ah, waxayna sheegtay madasha in sicir bararka jira ay sabab  u yihiin Lacagta been abuurka ah ee gudaha dalka lagu daabaco iyo tan dibadda laga keeno, Dowladda Federaalka oo canshuuraha ku qaadata lacag Doollar ah, Ganacsatada Badeecooyinka soo dejiya iyo kuwa lacagaha sarifa oo lacagta u kala saara mid duug ah iyo mid cusub.

“Madassaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay aad iyo aad uga xuntahay dhibaatada baaxadda weyn leh ee soo gaartay Dadka Rayidka ah noloshooda iyo dhibaatada haysata Shilinka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, Madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay talooyin u soo jeedisay Dowladda Federaalka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed. Dowladda ayay ugu baaqday in ay canshuuraha ku qaadato lacag shilin Soomaali ah, isla markaana ay joojiso lacagaha been abuurka ah ee dibadda iyo gudaha dalka lagu sameeyo,  ganacsatadana waxay ugu baaqday in ay joojiyaan kala saaridda lacagta Shilin Soomaaliga, isla markaana ay dhiirigeliyaan in Shilinka Soomaaliga wax lagu kala iibsado.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia