Arbaco, May 07, 2008(HOL): Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay la dagaalamayaan dadka diida qaadashada lacagta kunka Shilin Soomaaliga ah ee duugowday, wuxuuna mas’uul u hadlay sheegay in u digayaan dadka diida lacagtaas.
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley ayaa sheegay in digniintooda ay hadal ka gudubtay, isla markaana ay ficillo sameyn doonaan, isagoo xusay in ay ciddii diida qaadashada lacagta kunka Shilin ee duugowday ay ula dagaalami doonaan sida ciidamada Itoobiya ay ula dagaalamaan oo kale.
Shiikh Maxamuud waxaa uu sheegay in uu socdo qorshe ay wadaan Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya kaasi oo la doonayo in cunaha lagu qabto Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in ay shacabka ay arrintaas ka feejignaadaan.
Wuxuu ka digay Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley in la qaato Lacagta Birta Itoobiya, wuxuuna caddeeyay in ciddii lagu arko ay bartilmaameed u tahay, ayna la dagaalami doonaan.
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka waxaa uu intaas ku daray in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka hor-tagaan in la suuliyo lacagta rasmi ah ee ay leeyihiin Dadka Soomaaliyeed, iyadoo dadka wada lacagta cusub ee been abuurka ahna loo sheegay in ay ka waantoobaan faafinta lacagtaas.
Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay iyo dorraad ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dibadbaxyo looga soo horjeeday diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga iyo weliba Sicir Bararka ku yimid raashinka quutul-daruuriga ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia