Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Gobolka Hiiraan ku sugan

Arbaco, May 07, 2008(HOL): Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa haatan wuxuu ku sugan yahay deegaanno ka trisan Gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu sheegay in uu ka wado arrimo dib u heshiisiin ah.

Cumar Xaashi Aadan oo xalay u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in intii uusan gaarin Gobolka Hiiraan uu soo maray gobollo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo kula soo kulmay Waxgarad iyo Odayaal ku sugnaa.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu Soomaaliya ka soo galay dhinaca Kenya, isla markaana uu socdaal dhinaca dhulka ah ku soo maray gobolladii uu booqday.

“Waxaan soo maray Jubbooyinka, Bay iyo Bakool, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelada Dhexe, hadana waxaan joogaa Gobolka Hiiraan”ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in uu Soomaaliya u yimid arrimo ku saabsan sidii dadka Soomaaliyeed looga dhaadhicin lahaa in ay dib u heshisiiin iyo wada hadal ku wajahaan mushkiladda Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay in dib u heshiisiinta uu wado ay la xiriirto tan ay Qaramada Midoobay ka dhex wado Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda  iyo inkale, waxaa uu sheegay in dib u heshiisiinta uu wado ay tahay mid ka mid ah mabaadii’da u degsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo uu sheegay in uu dadaal xooggan ugu jiro sidii Soomaaliya looga xoreyn lahaa Ciidamada Itoobiya.

“Cadawga hadda dalka waa uu ka sii yaraanayaa, wuxuuna ku soo haray seddex magaalo oo kala ah Muqidsho, Baydhabo iyo Afgooye, iyana waa ay ka bixi doonaan ugu dambeynta”ayuu mar kale yiri Cumar Xaashi Aadan.

Ugu dambeyntiina, Xubno kale oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa iyana waxay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Gobollada Jubbooyinka, iyadoo dhaqdhaqaaqyadaasna ay yihiin kuwo ay ku kasbanayaan kalsoonida dadka gobolladaas ku dhaqan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia