Arbaco, May 07, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka Dagaalka kana soo anba baxay Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Beledweyne inkastoo aan la ogeyn halka rasmiga ah oo ay Ciidamadu ku wajahan yihiin.
Warka ku saabsan in ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Beledweyne Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya ayaa ka guuray gudaha Magaladda dhaq-dhaqaaqyo Malatari oo ay wadaan kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Siyaasada Dowladda Federaalka oo maalin cad lagu dhaxarkayo Magaalada iyaga oo hubeysan.
Sidoo kale waxaa xusid mudan shakiga dadku ka qabo wax ka dhalan kara hadii ay Ciidamadu soo galaan gudaha Magaalada ama xitaan ay fariisin ka dhigtaan Deegaanka Jante-guudisho, maadaama inta badan Magaalada Beledweyne ay gacanta ugu jirto xooga ku kacsan Dowladda.
Degmada Buula-brute oo maalmihii aynu soo dhaafnay siweyn dadku uga barakacay ayaa mar ay HOL la xiriirtay waxaa ay dadku u sheegeen in siweyn loo soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya, walow hadna laga yaabo in saacadaha soo socda ay halkaa gaaraan kooxaha dagaalka kula jira Ciidamada Itoobiya.
Sikastaba Ciidamada Itoobiya ee ka soo baxay Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan ayeey wararku sheegayaan in ay soo dhaafeen Deegaanka Halggan iyagga oo taxatir badani ka muuqdo, waxaana laga war sugayaan halka ay rasmi ahaa saldhigtaan marka ay soo gaaraan duleedka Magaalada Beledweyne oo in mudo ah Maamul la'aan aheyd.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee fariisinka ku lahaa Degmada Buula-burte oo u soo dhaqaaqay Magaalada Beledweyne
More News
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Deegaanka Garas-yaani ee Gobolka Hiiraan
- Afar Ruux oo lagu dilay Deegaanno hoos yimaada Mahadaay
- Itoobiya oo sheegtay in boqolaal Askar ah looga dilay Soomaaliya
- Xubno ka tirsanaa Madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo nolol iyo geeri la la’ yahay muddo 2 bilood ah
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka gudaha u galay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa
- Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Gobolka Hiiraan ku sugan
- Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay la dagaalamayaan Dadka diida qaadashada Kunka Shilin Soomaaliga ah ee duugowday