Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka gudaha u galay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa

Arbaco, May 07, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Taangiyada dagaalka ayaa saaka waxay gudaha u galeen xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo halkaasina la sheegay in ay howlgallo ka wadaan.

Ciidamadan Itoobiyaanka oo ka soo kala baxay Xarumaha Warshaddii Baastada iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxay howlgallo ka wadaan Xaafadaha Carafaat, Tawakal, Godey Makane, Nawaaxiga Jaamacadda Muqdisho, Qabuuraha Barakaat, SOS, Shineemo Cabdi Waayeel iyo Waxar Cadde.

Wararka naga soo gaaraya xaafadahaas ayaa waxay sheegayaan in markii Ciidamada Itoobiyaanka ay soo baxeen ay barakac bilaabeen dadkii xaafadahaas ku noolaa, kuwaasi oo ka baqaya in ay dhibaato u geystaan Ciidamada Itoobiyaanka.

Dadka ku dhaqan deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Xaafadaha u dhow ayaa waxay cabsi ka qabaan in uu dagaal ka dhex bilowdo Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxo hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana barakac sameynaya dadka xaafadahaas ku dhaqan.

Howlgalka ay sameynayaan Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay ay Xeradii Maslax ee duleedka Suuqa Xoolaha ay dib u soo degeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo Xeradaasna ay horay uga baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah kadib markii dhowr jeer weerarro lagu qaaday.

Ugu dambeyntiina, Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa wuxuu yahay deegaankii ugu horeeyay oo laga diiday Ciidamada Itoobiyaanka markii ay Soomaaliya soo galeen dabayaaqadii sanadkii 2006, ilaa iyo haatanna waxaa deegaankaas ka dhaca dagaallo looga soo horjeedo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia