Afar Ruux oo lagu dilay Deegaanno hoos yimaada Mahadaay

Arbaco, May 07, 2008(HOL):  Afar Ruux oo Xoolo-dhaqato ah ah ayaa saaka Waaberigii lagu dilay Deegaanka Cali Fool Dheere oo ka tirsan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Afartan Ruux ee la dilay oo kala ahaa Seddex Rag ah iyo Qof Dumar ah ayaa dhamaantood waxay ahaayeen Dad Xoolo-dhaqato ah, waxaana toogtay sida la sheegay kooxo hubeysan.

Warar aynu ka helnay Degmada Mahadaay ayaa waxay sheegayaan in dadkaas loo dilay aano-qabiil, taasi oo salka ku heysa dad horay loogu dilay deegaanno ka tirsan Degmada Mahadaay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii deegaanka Dacaar oo Degmada Mahadaay hoos-yimaada lagu dilay labo ruux oo iyana Xoolo-dhaqato ahaa, kuwaasi oo ay iyana toogteen kooxo hubeysan oo xili habeen ah ugu tegay meel ay deganaayeen.

Ugu dambeyntiina, Deegaanno hoos-yimaada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dhawaanahan waxaa ka jiray dilal loo geysanayay dad aan waxba galabsan, kuwaasi oo salka ku haya aano-qabiil, ilaa iyo haatanna ma muuqato cid u soo baxday in ay xakameyso dilalka isa soo taraya ee Degmada ka socda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia