Wufuud ka kala socda Dowladda Federaalka, Isbaheysiga Dib u xoreynta, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka oo Jabuuti ku wada sugan

Cabirka Farta

Sabti, May 31, 2008(HOL): Waxaa magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ku wada sugan Wufuud ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, Isbaheysiga Dib u xoryenta, Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, iyadoo saacadaha soo socdana la filayo in ay bilowdaan wada hadalladii ay Qaramada Midoobay soo qaban-qaabisay ee lagu dhexdhexaadinayay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Marka laga soo tago Wufuudda ka socota Beesha Caalamka iyo Bulshada Rayidka waxay dhinaca kale Ergada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta yihiin kuwo la soo kordhiyay tiradooda iyo tayadooda, waxayna Ergada  labada dhinac kor u dhaafayaan marka la isku daro 40 xubnood, tiiyoo ay xusid mudan tahay in ay markan hoggaaminayaan mas’uuliyiin sare oo ka socda labada dhinac.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti waxay sheegayaan in ay socoto qaban-qaabo loogu jiro sidii uu shirka u furmi lahaa, isla markaana loo sii amba qaadi lahaa wada hadalladii labada dhinac u socday.

Sidoo kalena, Magaalada Djibouti ee uu shirka  ka bilaabanayo waxaa tegaya Xubno ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo la sheegayo in ay ergooyinka labada dhinac ku dhiirigelinayaan in ay gaaraan is-af-garad xal u keena dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

Waa wejigii labaad ee wada hadallo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay oo is-af-garad looga dhex dhalinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, walow uu Isbaheysiga Dib u xoreynta soo kala dhexgalay khilaaf ka dhashay Wada hadalladan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia