Sabti, May 31, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu ugu baaqay Hay’adaha Samafalka in ay gargaar deg deg ah la gaaraaan dad ku waxyeeloobay roobab Muqdisho ka da’ayay muddo 24 saacadood ka badan.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) ayaa wuxuu sheegay in dad gaaraya 6 ruux oo isugu jira Caruur iyo Dad waayeello ah ay ku dhinteen Roobabkii Muqdisho ka da’ay, wuxuuna intaas ku daray in haddii aan dadkaas gurmad lala gaarin ay noloshooda halis ku jirto.
Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur waxaa uu Hay’adaha Samafalka ka codsaday in ay dadkaas la gaaraan raashinka sida uu yiri ay Muqdisho ku hayaan iyo weliba haddii ay u heli karaan Bacaha Roobka laga galo.
Laakin Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada wuxuusan ka hadlin dad ay roobabkaas ku waxyeeleeyeen duleedyada Muqdisho, kuwaasi oo ah Dadkii ka barakacay Dagaallada Muqdisho.
Wararka naga soo gaaraya Dadka u barakacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye waxay sheegayaan in ay jiraan Dad ay markoodii hore nolosha ku adkeyd oo hadana ay ugu darsameen roobabkii oo aaney heysan meel ay ka galaan.
Dhanka kalena Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu maanta shaaca ka qaaday in ay Booyado u dirayaan meelaha ay Biyaha fariisteen ee ku yaala gudaha Magaalada Muqdisho, iyadoo taasina uu ku sheegay maamulka mid uu uga hortegayo in ay biyahaas ka dhashaan cudurro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia