Warqado Digniin ah oo lagu daadiyay Gudaha Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Sabti, May 31, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa saakay ku waabariistay Warqado Digniin ah oo ay  kooxda Al-shabaab ku daadiyeen qeybo ka mid ah Magaalada oo maalmihii aynu soo dhaafnayba fariisin  u aheyd Ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya.
 
Warqadaha oo inta badan saakay lagu arkayay goobaha dadku ku qaxweeyo ayaa waxaa lagu qoray Digniino loo jeedinayo sida hadalka loo dhigay  dhaliyarada dooneysa in ay ka mid noqdaan Ciidamada Maamulka Cusub ee Gobalka, dadka u iibgeeya Ciidamada Itoobiya Mopelka Gacanta iyo Cunooyinka kale, iyo waliba dadka iyagu goobaha Ganacsi ku leh meelaha ay joogaa Ciidamada.
 
Qoraalku waxaa uu intaa ku darayaa in ay muteysan doonaan Xukun dil ah shaqsiyaadka isku daya in ay xirtaan dareyska Ciidamada ama lagu arko iyaga oo ka ganacsanaya Xeryaha ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya, madaama ayaa lagu sheegay qoraalka Ciidamada Itoobiyaaku yihiin kuwo mar walba diyaar u ah dharbaaxo kaga timaada sida warqadaha lagu dhigay Ciidamada Mujaahidiinta.
 
Markii ugu horeysay ayaa saakay laga waayay goobaha istiraatijiga ah ee Magaalada Beledweyne  Ciidamo Itoobiyaan ah oo ilaalo ka haya taa oo dad badani u fasireen in ay la xiriirto arintaa Warqadaha lagu daadiyay Magaalada, lakiin waxaa iyana jira warar sheegaya in Ciidamada Itoobiyaaku qorsheynayaan in gabi ahaan ay isaga guuraan gudaha Magaalada Beledweyne.
 
Sikastaba warqadaha xalay lagu daadiyay qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne ayaa dad badani waxaa ay ku abuureen cabsi la xiriirta qatar ka iman karta kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya kuwaa oo dad badani rumeysan yihiin in ay wali ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne, mar hadii ay wali jirto fursad ay ku gudbin karaa fariimahooda iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin sida warqdadihii xalay lagu arkay oo kale Magaalada Beledweyne.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia