Sabti, May 31, 2008(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Nabadgelyada Gobolka Mudug Cali Diiriye Aloore ayaa shaaca ka qaaday in Maleeshiyooyin shalay rasaaseeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ay ahaayeen kuwo u diiwaangashan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cali Diiriye Aloore oo u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in maleeshiyooyinkaas ay ahaayeen kuwo gadood ahaa oo mushaar ka waayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuse xusay in ay Maleeshiyooyinkaas ahaayeen kuwo ka soo jeeda Koofurta Gaalkacyo.
Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Guddiga Nabadgelyada Gobolka Mudug ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland Axmed Cali Salaad uu sheegay in maleeshiyooyinka garoonka rasaaseeyay ay ka soo jeedaan Koofurta Gaalkacyo, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay Odayaasha iyo Waxgaradka Koofurta Gaalkacyo inay soo qabtaan Maleeshiyooyinkaas.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu maalintii labaad u xiran yahay kooxo maleeshiyooyin ah oo duleedka Garoonka la jooga madaafiicda Lidka Diyaaradaha, kuwaasi oo rasaas ay shalay ku rideen garoonka ay sababtay in uu burbur soo gaaro dhisme ku yaala Garoonka.
Ma jirto ilaa iyo haatan tallaabo ay qaadeen Odayaasha iyo Waxgaradka baaqa loo jeediyay, waxaana weli duleedka Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ku sugan Kooxihii shalay Garoonka rasaaseeyay, kuwaasi oo la soo sheegayo in ay doonayaan in ay garoonka wax ka maamulaan, iyagoo markii horena ka gadooday canshuur uu maamulka Puntland isku dayay in uu ka qaado deegaanno ka tirsan Koofurta Gaalkacyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia