Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u dhoofay Dalka Jibouti

Cabirka Farta

Sabti, May 31, 2008(HOL): Waxaa goor dhaweyd ka duulay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dalka Jibouti u tegaya ka qeybgalka wada hadallo ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay oo lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Wafdigan oo ka kooban 21 Ruux ayaa waxaa hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, wuxuuna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ugu sheegay Warfidiyeennada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde in ay Dalka Jibouti u tegayaan Wada hadallo xal loogu raadinayo Mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya.

“Wax kasta oo xal loogu helayo mushkiladda Soomaaliya diyaar baan u nahay in aan ka qeyb-qaadanno, hadana waxaan Dalka Jibouti ugu soconnaa Wada hadallo nabad loogu raadinayo Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsaday Ra’iisal Wasaare ku xigeenka in ay ugu soo duceeyaan in uu Alle ku guuleeyo wada hadallada xal-doonka ah ee ay u socdaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Dadka Soomaaliyeed oo dhibaato ku jira muddo dheer ay nabad u baahan yihiin.

Dhanka kalena, waxaa jira warar sheegaya in uu isna Dalka Jibouti saacadaha soo socda gaari doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo la sheegayo in marka uu tago dalka Jibouti uu halkaas kulamo kula qaadan doono madaxda Dowladda Jibouti iyo  Xubnaha ka imaanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia