Sabti, May 31, 2008(HOL): Duqa Magaalada Gaalkacyo ee maamul Goboleedka Puntland Axmed Cali Salaad ayaa ugu baaqay Odayasha iyo Waxgaradka Koofurta Magaalada Gaalkacyo in ay soo qabtaan Kooxo maleeshiyooyin ah oo shalay rasaaseeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.
Duqa Magaalada Gaalkacyo waxaa uu sheegay in maleeshiyooyinka rasaaseeyay ay burburin u geysteen dhismooyin ku yaala Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in falkaas rasaaseynta ah uu ahaa mid uu aad uga xumaaday maamulka Puntland.
“Annaga Ciidamadeena waan xakameyneynaa ilaa iyo haatan-na ma jiraan wax tallaabo ah oo ay qaadeen, sidaas darteed waxaam ugu baaqayaa Odayaasha iyo Waxgaradka Koofurta Gaalkacyo in ay soo qabtaan kooxihii falkaas ka dambeeyay”ayuu yiri Duqa Magaalada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Ma jirto ilaa iyo haatan tallaabo ay qaadeen Odayaasha iyo Waxgaradka baaqa loo jeediyay, waxaana weli duleedka Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ku sugan Kooxihii shalay Garoonka rasaaseeyay, kuwaasi oo la soo sheegayo in ay doonayaan in ay garoonka wax ka maamulaan, iyagoo markii horena ka gadooday canshuur uu maamulka Puntland isku dayay in uu ka qaado deegaanno ka tirsan Koofurta Gaalkacyo.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka soo dega diyaarado Qaad keena iyo kuwo ay leeyihiin Shirkado ganacsi ah, iyadoo mararka qaarkoodna ay ka soo degaan kuwo UN-ka u kireysan, waana garoonka kaliya ee ku yaala Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ay isticmaalaan dadka ku dhaqan Koofurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia