Sabti, May 31, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya iyo duleedyadeeda ayaa muddo ka badan 24 saac waxaa ka da’ayay Roobab lagu qabowsaday, kuwaasi oo ay dadka uga baxeen kuleyl hayay bilihii aynu ka soo gudubnay.
Roobkan oo ay Dadku sugayeen dhawaanahan ayaa wuxuu u da’ayay si xoogan, wuxuuna biyo dhigay Waddooyin badan oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo haatan aaney dadka iyo Gaadiidkaba isticmaali karin.
Marka laga soo tago in Roobkan ay Dadka Muqdisho ku qabowsadeen waxaa uu dhinaca kale saameyn ku yeeshay Dadkii Muqdisho ka barakacay oo guryo cooshado ka sameysan kula nool duleedyada magaalada Muqdisho, waxayna qaar ka mid ah Dadkaasi oo uu ku dushooda ku hooray roobkii xalay ay ka codsanayaan cid kasta oo wax u geli karta in ay gargaar la soo gaaraan, si gaar ahna waxay u codsanayaan Baco ay saartaan Aqallo ay sameysteen, kuwaasi oo aan roobka celin karin, sidoo kalena waxay codsanayaan Raashin ay quutaan.
Duleedyada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Dayniile iyo Gubadley ayaa waxaa u barakacay Dad aad u badan oo ku noolaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna inta badan dadkaasi yihiin kuwo ay nolosha ku adag tahay oo markii ay Muqdisho joogeen ku noolaa waxyaabo ay soo shaqeystaan maalintaas.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adaha Samafalka, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo wax heysata ayaa waxaa la gudboon in ay gurmad deg deg ah la gaaraan Dadka u barakacay Duleedyada Muqdisho oo iyagoo baahi qabay uu hadana dushooda ku hoorayo Roobka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia