Talaado, May 20, 2008(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxaa maanta gelinkii dambe ka dhacay dil iyo qarax lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dilka oo qaraxa ka horeeyay ayaa waxaa loo geystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka oo lagu magacaabi jiray Cali Garre, waxaana sarkaalkaas toogtay Nin hubeysan, kaasi oo ay isna toogteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka.
Markii uu dhacay falkaas dilka ah kadib ayaa waxaa ku xigay qarax lagu weeraray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa nawaaxiga meel uu yaalay meydka Nin ay Ciidamada toogteen, kaasi oo la sheegay in uu ka dambeeyay dilka Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda, wuxuuna qaraxaas geystay dhaawaca seddex ruux oo rayid ah.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa isku gadaamay Ciidamada Dowladda, waxayna rasaas ku kala eryeen dadkii halkaas ka dhawaa, iyadoo haatanna ay Magaalada Baydhabo baaritaan ka wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay dilal loo geysanayay Dad Rayid ah iyo kuwo u shaqeeya Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena ay Magaalada ka dhacayeen weerarro lagu qaado Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia