
Talaado, May 20, 2008(HOL): Markii ugu horeeysay ayaa magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika waxaa lagu qabtay xaflad loogu dabaaldagayay sanad guurada 17aad ee ka soo wareegatay gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland.
Xafladda oo sida ka muuqatay goobta lagu qabtay ahayd mid si weyn loo soo qabanqaabiyay ayaa waxaa halkaasi isugu yimid dadweyne boqolaal gaaraya oo badankoodu ka soo jeeda deegaan ahaan Somaliland.
Halka ay joogeen dadyow kale oo aan waligood Somaliland horay u tagin balse lagu casuumay in ay ka qeybgalaan xafladaasi. Waxaa halkaasi qudbado wax ku ool ah ka jeediyay qaar ka tirsan odayaasha reer Somaliland ee ku sugan magaalada Cape Town iyo nawaaxigeeda.
Waxa kaloo lagu casuumay Xafladda Kooxda Fannaaniinta RIYAAQ BAND oo ay si weyn uga dhex muuqdeen fannaaniinta waa weyn sida, Qaamuus, Xabiibo Talyaani, Daahiye, Muqtaar Habane, Cabdi Samad iyo qaar kale oo halkaasi ka ciyaaray gabayo iyo heeso xiiso geliyay dhamaan dadweeynihii halkaasi isugu yimid.
Ugu dambeyntiina, Xafladda ayaa ku dhamaatay jawi farxadeed oo dadkii soo qabanqaabiyay looga mahadceliyay, waxayna sheegeen in ay tahay markii ugu horeysay ee xaflad noocaan ah oo lagu qabto magaalada Cape Town hase ahaatee aysan noqon doonin markii ugu dambeeysay balse ay sanad walba sidan oo kale ugu dabaal-dagi doonaan.


Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa
Xaflad loogu dabaal-degayay Sanadguuradii 17aad ee ka soo wareegatay gooni-isu-taagga Somaliland oo lagu qabtay Magaalada Cape Town
Cabirka Farta
More News
- Dil iyo Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo
- Kooxo hubeysan oo la wareegay fariisin ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ku lahaayeen Deegaanka Siinka Dheer
- Golaha Baarlamaanka Somaliland oo ansixiyay Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ah kaga jira Komishanka Doorashooyinka
- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo bilowday hawlgal lagu dawaynayo Xannuunada Xoolaha
- Markabkii u rarnaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay oo la geeyay Deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug
- Golaha Aqoonyahannada iyo Siyaasadda Beelaha Digil iyo Mirifle oo sheegay in dilalka ka dhaca Magaalada Baydhabo ay dhiirigeliyaan Dadka Magaaladaas
- Soomaali ka carartay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya oo ku dhibaateysan Dalka Liibiya
- Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Dayniile ee Magaalada Muqdisho
- Magaalada Muqdisho iyo Duleedyadeeda oo xalay iyo maanta uu Roob ka da’ayo
- Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamiga oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan