Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo bilowday hawlgal lagu dawaynayo Xannuunada Xoolaha

Cabirka Farta

Talaado, May 20, 2008(HOL): Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo kaashanaysa Ururka Dhaqaatiirta madaxa bannaan ee ULPA iyo Hay’adda TERRA-NOUVA, ayaa maanta gobollada Somaliland u kala dirtay 7 Kooxood oo Caafimaadka Xoolaha ku takhasusay iyo dawo qiimaheedu dhan yahay ku dhawaad 30-Kun oo Dollar. Kuwaas oo ka qayb qaadan doona olole loo bixiyay Gurmadka Xoolo-dhaqatada Somaliland.

Sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Idiris Ibraahim Cabdi, oo maanta goob-joog ka ahaa munaasibaddii lagu amba-bixinayay Kooxahan, isla markaana shirjaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa. Kooxahan ayaa u kala bixi doona gobollada, Maroodi-jeex (Hargeysa), Awdal, Saaxil iyo Togdheer.

Kooxahan oo isugu jira dhaqaatiirta ku takhasustay cudurada Xoolaha ku dhaca iyo shaqaale la hawgeli doona, ayaa dawooyinka ay sidaan iyo dawayntuba ay tahay mid bilaa lacag ah amaba bilaash ah. “Dawooyinkani waxa qiimahoodu ku dhaw yahay ilaa 30-Kun oo Dollar, dawaynta Xoolaha ee goobaha ay tagayaan Kooxahani waa mid bilaash ah” Sidaa waxa yiri Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Wasiirku wuxuu sheegay in muddada ay kooxahani ku maqnaan doonaan goobahaa ay tegayaan ee Miyigu ay tahay muddo 25 maalmood ah. Isla markaana wuxuu ka hadlay ujeedada ay hawlgalkan u samaynayaan “Abaaro ayuu dalku muddo ku soo jiray, inkasta oo ay roobab da’een, haddana dalka ma wada gaadhin oo wali abaartii way sii jirtaa. Mararka qaarna waxaaba jirta marka roob da’o cuduro cusub oo dilaa. Sidaa darteed, waxaanu u diraynaa kooxahan si aanu reer Miyiga uga caawino inay Xoolaha ka daweeyaan cudurada. Waxaanay kooxahani ku maqnaan doonaan miyiga muddo 25 maalmood ah” ayuu yiri Wasiirku.

Dhinca kale, Wasiirku wuxuu ka hadlay sababta ay ugu koobeen hawlgalkan dawaynta Xoolaha gobolladan kor ku xusan ee ay gobolladii kale ee Somaliland uga reebeen. “Toddobaadkan soo socda waxa bixi doona Kooxo kale oo kuwan la mid ah. Kuwaas oo inta ugu badan aanu gayn doono gobollada Sanaag iyo Sool. Sababta aanu kan ug reebnayna waxay tahay, kooxahan dambe way ka muddo badan yihiin kuwa hadda baxay, oo waxay maqnaan doonaa muddo 2 bilood ah. Isla markaana hawlgalkaasi waxa uu qiimahiisu ku kici doonaa ilaa 100-kun oo Dollar. Taas ayaanu la doonaynaa iyaga” ayuu yiri Wasiirku.
 
Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland