Talaado, May 20, 2008(HOL): Golaha Aqoonyahannada iyo Siyaasadda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa shaaca ka qaaday in nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Baydhabo ay ka dambeeyaan dadka ku dhaqan Magaaladaas, kuwaasi oo raali ka ah dad dilalka geysta.
Guddoomiyaha Golahan Prof. Ibraahim Heerow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in dadka dilalka ka geysta Magaalada Baydhabo aysan meel kale ka imaanin, isla markaana ay magaalada gudaheeda ku sugan yihiin.
“Marka ay wax dilaan waxay galaan guryo ku yaala magaalada Baydhabo, mana sheegaan dadka Magaalada ku dhaqan, taas ayaana ah sababta ay dilalka ugu soo badanayaan Magaalada Baydhabo”ayuu yiri Prof. Heerow oo sheegay in ay sameeyeen daraasado ku saabsan dilalka ka dhaca magaalada Baydhabo.
Prof. Ibraahim Heerow oo shirkiisa Jaraa’id uga hadlayay dil habeen hore loogu geystay Magaalada Baydhabo Shiikh Ibraahim Yalale oo ka tirsanaa Golaha Aqoonyahanka iyo Siyaasadda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa wuxuu intaas ku daray in Shiikh Ibraahim uu ka mid ahaa xubnaha firfircoon ee Golaha, isla markaana markii la dilayay uu ku jiray guddi u xil-saarnaa nabadeynta deegaannada Beelaha Digil iyo Mirifle.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay dilal loo geysanayay Dad Rayid ah iyo kuwo u shaqeeya Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena ay Magaalada ka dhacayeen weerarro lagu qaadayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Magaalada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia