Talaado, May 20, 2008(HOL): Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhi ay maanta yeesheen waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen laba Xubnood oo Xisbiyada Mucaaradka ah ka metelayay Komishanka Doorashooyinka. Kuwaas oo mid ka mid ah hore shaqada ay uga fadhiisiyeen Xubnaha kale ee Komishanku, halka xubinta kalena ay tahay mid la soo magacaabay.
Fadhigan ay maanta yeesheen Golaha Wakiilladu, ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii uu Madaxweyne Rayaale u soo gudbiyay laba wareegto, oo uu mid ka mid ah kaga codsanayo in la ansixiyo xubin cusub oo uu Xisbiga Kulmiye u soo magacaabay Komishanka, ka dib markii xubintii hore oo ahaa guddoomiye-ku-xigeenku uu iska casilay jagadaas iyo wareegto kale oo uu Madaxweynuhu kaga codsanayo golaha in ay ansixiyaan xil-ka-qaadista xubintii Komishanka kaga jirtay Xisbiga UCID, oo ay xilka ka qaadeen xubnaha kale ee Komishanku.
Fadhigan maanta ee golaha oo ay goob-joog ka ahaayeen 59 mudane, ayaa ka dib markii golaha laga hor akhriyay codsiga Madaxweynaha, waxa guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), in cod gacan-taag ah loo qaado Mr. Axmed Maxamed Cabdilaahi, oo ah xubinta cusub ee Komishanka u soo magacaabeen Xisbiga Kulmiye. Kaas oo ay ogolaadeen inuu xubin ka noqdo Komishanka 59 Mudane, cid diiday ma jirin, guddoomiyahuna ma codaynin.
Sidoo kale waxa cod gacan-taag ah loo qaaday in xil-ka-qaadista ay xubnaha komishanku ku sameeyeen Xubintii Xisbiga Ucid uga metalayay Komishanka Axmed Maxamed X. Daahir. Kaas oo ay diideen xil-ka-qaadistiisa 55 mudane, ogolaadeen xil-ka-qaadistiisa 2 mudane, halka uu ka aamusay 1 mudane, guddoomiyuha ma codaynin. Sidaas oo uu ansax ku noqday, siina haynayo xilkiisii xubinimo ee Komishanka.
Axmed Maxamed Cabdilaahi oo ah xubinta Xisbiga Kulmiye u soo magacaabay Komishanka ee maanta la ansixiyay, ayaa mar dareenkiisa wax laga waydiiyay waxa uu yiri, “Runtii Xilku waa ammaano qaran oo inuu qofku ku farxo maaha, mana odhan karo waan ku farxay, waayo waa xil culus. Hase ahaatee, waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu ii fududeeyo gudashadiisa”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland